Soomaaliya oo u yeedhay safiirka Kenya
October 10, 2019 - Written by admin
Soomaaliya(Hayaannews)Wasaaradda
Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa u dhiibtay safiirka Kenya ee Soomaaliya
warqad cabasho ah oo sheegaysa in Kenya ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya,kadib
marii diyaarad Kenya ka diiwaangashan ay ka degtay magaalada Kismaayo 5-tii
bishii Oktoobar 2019-ka iyadoo aan oggolaansho ka haysan Soomaaliya.
Wasiiru
Dawladaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa la
kulmay safiirka Kenya Lucas Tumbo waxaana uu u dhiibay cabashadaas.
Soomaaliya
ayaa warqadda ku sheegtay inaysan aqbalayn in lagu xadgudbo xuduudaha hawada,
badda iyo dhulka ee Soomaaliya, waxayna Kenya ugu baaqday inay ka jawaabto
xadgudubkan iyadoo ciidamadeedu ay joogaan Gobolka Jubbada Hoose iyaga oo qayb
ka ah ciidamada AMISOM.
Soomaaliya
ayaa ku sheegtay warqaddaas in ficilkaasi uu xadgudub ku yahay derisnimada, iyo
inaan waddan-na faragelin waddan kale arrimihiisa gudaha.
Diyaaraddaas degtay magaalada Kismaayo ayaa ka soo kacday magaalada Nayroobi, waxayna sidday siyaasiyiin Soomaali ah oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo kuwaasi oo doonaya inay ka qaybgalaan caleemo-saarka hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.