“Soomaaliya Waa Inaynu Taariikhdeena Gaadhsiinaa….iyo Midoga Afrika (AU-da)” Wasiir Sacad Ali Shire.

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre ayaa soo jeediyay inaynu dawlada Soomaaliya aynu gaadhsiino taariikhdeena iyo Midowga Afrika (AU-da).

Dr. Sacad Cali Shire waxa uu sida ku sheegay mar uu maanta khubad qiimo baddan ka jeediyay Daah-furkii loo sameeyey Buuga taariikhda Somaliland “Buuga Xogta Somaliland” oo ay qortay Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cai Shire ayaa sheegay inay Sharaf u tahay inuu ka soo qeybgalo buugaan Xog-sidaha Somaliland, “Waan ku hambalyeynayaa Wasaaradda Arrimaha Dibada tacabka baddan ee ay galiyeen Buugaan Xog-sidaha Somaliland. Tacab baddan ayaynu gelinay soo saaristiisa waxa inoo hadhay inaynu tacab baddan gelino fidintiisa. Buugaan iyo Xogtiisa cidda aynu gaadhsiinaynaa waa dadka reer Somaliland, si aynu dadkeena u gaadhsiino waa inaynu u bedelno Af-Soomaali,..”

Buuggan oo loogu talo-galay in la gaadhsiiyo daafaha dunida si bulshadda caalamka loo baro taariikhda dalkan Somaliland, ayaa waxa muhiimaddiisa ka waramay xubno ka socday golaha wasiiradda islamarkaana soo jeediyay tallooyin dhaxal-gal ah oo buuggan lagu faafinayo.

HALKAN HOOSE KA DAAWO:

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com