“Ma Nihin Dal Yar oo Dal-weyn Ka Soo Go’ay, Ee Waxaynu Nahay Dal jira” Marwo Edna Aaden.

Hargeysa(Hayaannews): Ergayga wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aaden Ismaaciil ayaa khubad qiimo ka jeedisay xafladii lagu daah-furay Buug laga qorey Taariikhda Faca-weyne ee Jamhuuriyadda Somaliland oo la yidhaahdo “Buuga Xogta Somaliland”

“Buugani “Xogta Somaliland” waxa uu ka markhaati furayaa horumarka ay Somaliland gaadhay, 30-ka sannadood iyo jiritaankeeni ka horeeyey xorriyadeeni inaynaan ahayn dal yar oo dal kale oo weyn ka soo go’ay…….aynu nahay nahay dal jira”.Ayey tidhi Marwo Edna Aaden Ismaaciil.

Buuggan oo loogu talo-galay in la gaadhsiiyo daafaha dunida si bulshadda caalamka loo baro taariikhda dalkan Somaliland, ayaa waxa muhiimaddiisa ka waramay xubno ka socday golaha wasiiradda islamarkaana soo jeediyay tallooyin dhaxal-gal ah oo buuggan lagu faafinayo.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com