U-Jeeddada Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ee JIGJIGA

Jig-jiga (Hayaannew):- Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida si uu bulshada deegaanka ugala qayb-qaato xaaladda abaarta ee soo food saartay.

Masuuliyiin sare oo uu hoggaaminayo, Raysal Wasaaraha Dalka, Dr. Abiyi Axmed Cali ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal.

Ra’iisal Wasaare Abiy ayaa ballan qaaday in dowlada faderaalka Ethiopia ay kaalinteeda ka qaadan doonto wax ka qabashada abaarta ka jirta gobolka.

Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar oo ay weheliyaan Afhayeenka Golaha Xildhibaannada, Marwo Ayaan Cabdi, Inj. Maxammed Shaalle Isaaq, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida iyo masuuliyiin sare oo heer Deegaan ah ayaa garoonka si diirran ugu qaabillay Raysal Wasaare Dr. Abiyi Ahmed iyo masuuliyiinta uu hoggaaminayo.

Raysal-wasaaraha, ayaa goor-dhow booqasho ku gaadhi doona duleedka degmada Qabri-bayax oo ay ku sugan yihiin bulshooyin ay saamaysay xaaladda abaarta oo kasoo doolay goobahoodii.