Waa Kuma Agaasimaha Cusub Ee VOA?

Michael Abramowitz was named permanent director of Voice of America on April 19, 2024. (Freedom House photo)

Washington(Hayaannews):, Hay’adda maamusha warbaahinta Voice of America ee USAGM ayaa Jimcihii u magacowda Michael Abramowitz inuu noqdo agaasimaha rasmiga ah ee VOA.

Email ay u dirtay shaqaalaha Jimcihii, madaxa hay’adda USAGM Amanda Bennett waxa ay sheegtay in Abramowitz, oo ah saxafi hore isla markaana hadda ah guddoomiyaha hay’adda Freedom House, uu xilka la wareegi doono bilaha soo socda.

“Waan hubaa in ay dad badan ay garanayaan, haddiiba aysan ahayn intiinna badan, sababtoo ah shaqada cajiibka ah ee Freedom House ay u horseedday difaaca dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha – gaar ahaan difaaca xorriyadda hadalka iyo saxaafadda adduunka oo dhan.” ayay Bennett ku tiri farriin email aheyd.

Abramowitz waxa uu ahaa guddoomiyaha Freedom House tan iyo 2017.

Waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Harvard, waxana uu shaqadiisa ka bilaabay wargeyska The Washington Post, halkaas oo uu ka shaqaynayey 24 sano.

“VOA waa hay’ad leh taariikh cajiib ah oo dheer. Dad badan ayayna u tahay isha kaliya ee ay ka helaan xogta iyo macaluumadka sugan” ayuu Abramowitz ku yiri farriim muuqaal ah oo uu la wadaagay shaqaalaha VOA.

Michael Abramowitz was named permanent director of Voice of America on April 19, 2024. (Freedom House photo)

Agaasimaha cusub ee Voice of America, Abramowitz, ayaa waxa uu kormeeri doonaa halwlaha idaacadaha 48 luqadeed oo gaaray ku dhawaad 354 milyan oo qof todobaadkii, kuwaas oo iskugu jira telefishan madax-banaan, raadiyaha iyo warbaahinta dhijitaalka ah.