Waddamada Hindiya iyo Somaliland Iska Kaashanaya Waxbarashada iyo Caafimaadka

Chenni (Hayaannews)- Wefdi Madaxweyne-xigeenka JSL Md.Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Seylici) hogaamiyano ee booqashada ku joogay dalka Hindiya oo kulamo dheeraad ah la yeeshay madax dalka ayey ku ballanqaadeen inay ka taageeri doonaa dhinacyada Waxbarashada & Caafimaadka.

Md. Cabdiraxmaan Saylici iyo wefdi uu hogaaminayo oo mudooyinkii u dambeeyey booqashooyin ku joogay Hindiya ayaa shalay kulan kula yeeshay caasimada gobolka Tamilnadu ee Chennai Wasiirka Waxbarashada Hon. Anbil Mahesh Poyyamizhi, iyo madax kale.

Kulanka labada dhinac oo arrimo la xidhiidha Waxbarashada iyo sidii la isaga kaashan lahaa lagaga wada hadlay, isla markaana qeyb ka ahayd sidii deeqo waxbarasho ardayda Somaliland uga heli lahaayeen jaamacadaha dalka Hindiya ardayda Somaliland, ayey ku balanqaadeen madaxda Gobolka Tamilnadu inay ka taageero ka geysan doonaan.

Wefdiga Md Saylici oo hore kulamo ula soo qaatay madaxda Gobolka Karnataka, gaar ahaan Wasiirka Warshadaha yaryar iyo kuwa dhexe Hon Murugesh R Nirani ayaa ballanqaaday inay Somaliland ka caawin doonaan dhinaca caafimaadka.

Socdaalka Md Saylici ee dalka Hindiya ayaa ku soo beegmaya wakhti baaqyo kala duwan ka soo baxayaan sida aqoonsi Hindiya siiso Somaliland fursad u siinayso inay kaalin muuqata ku yeelato geeska Afrika.

Gobolka Karnataka waa gobolka siddeedaad ee ugu tirada badan dadka ee dalka Hindiya 68.4 Milyan, waxaanu dhacaa koonfur-galbeed ee Hindiya oo xuduud kala lehdhanka barriga gobolka Tamilnadu dhanka bari, oo dadkiisa lagu qiyaasay 67.86 million, tirakoob la qaaday sannadkan 2021.

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com