War ka Soo Baxay Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda Ururrada-Siyaasadda

Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Qaatay Tobbanka Urur-Siyaasadeed Iyo Xisbiyada Qaranka.

Hargeysa(#Hayaannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan ujeedadiisu ahayd xog-waran iyo  xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrinta laascaanood la yeeshay tobanka urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka xisbiyada Qaranka Somaliland.

Ugu horayn Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa warbixin dheer ka bixiyey mar xaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaaladda laascaanood.

Dhinaca Tobanka Urur Siyaasadeed oo kala ah Urur-siyaasadeedka Horseed, Urur-siyaasadeedka Kaah, Urur-siyaasadeedka Ogaal, Urur-siyaasadeedka Rejo, Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag, Urur siyaasadeedka Mideeye, Urur siyaasadeedka Waaberi, Urur siyaasadeedka Barwaaqo, Urur siyaasadeedka Hillaac iyo Urur Siyaaasadeedka Shacabka ayaa madaxweynaha Qaranka Somaliland, uga mahadceliyey, sida degdega ah ee uu uga aqbalay codsigoodii ahaa inay la kulmaan, iyagoo u soo jeediyeen xukuumadda uu madaxweynuhu gadhwadeenka ka yahay tallooyin ku saabsan xal u helidda arrimaha ka taagan Laascaanood.

Waxa kale oo ay xuseen inay difaaca dalka ku barbar taagan yihiin dawladda, isla markaana tallaabo kasta oo xal nabadeed loogu raadinayo si loo soo afjaro dagaalka laascaanood oo ay kala qayb-qaadanayaan Xukuumadda.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahadceliyey madaxda Ururada Siyaasadda dareenkooda muwaadinimo ee ay u muujiyeen dalkooda iyo dadkooda, isla markaana waxa uu soo dhaweeyey Madaxweynuhu tallooyinka lagu xoojinayo arrimaha xal u helida Laascaanood.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com