Wararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Dabkii Ka Kacay Suuqa WAAHEEN Ee Magaalada Hargeysa Iyo Iyo Gurmadkii Dawlad Deegaanka Soomaalida DDS

Hargeysa(Hayaannews): Ugu yaraan 28 qof ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen, Boqolaal ganacsi iyo dhismayaal ayaa ku bas beelay, kadib markii uu xalay dab ka kacay suuqa WAAHEEN ee badhtamaha Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Dabka oo noqonaya kii ugu weynaa ee ka kaca suuqa Hargeysa, ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay meherad Bakhaar ah oo ku taalla dhinaca koonfureed ee Suuqa Waaheen, gaar ahaan dhinaca Dooxa Xigta, waxaana jira dedaallo ay isku dayayaan ciidanka dab-demiska oo baaxadda dabku ka xoog weynaatay.

Tan ayaa sababtay inuu dabku si xooggan ugu faafo qaybaha kale ee Suuqa, waxaanu xilligan dabku soo gaadhay faras-magaalaha Caasimadda oo ay ku yaallaan xarumaha shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada Zaadka.

“Qof kasta oo leh cagaf-cagaf ama Booyad ha keeno si uu uga qayb-qaato daminta dabka,” Sidaa waxa bulshada u soo jeediyey Maayirka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge

Maayer Cbdikariin Axmed Mooge waxa uu sheegay inay Dadweynaha isugu yimi Suuqa gubanayaa ay caqabad ku noqdeen in si degdeg ah loo dambiyo Dabka amma loo Xakameeyo. Haseyeeshee, hadda lagu guulaystay in la Xakameeyo oo aanu ku sii fidin qaybaha kale ee magaalada, isagoo xusay in la dhimay awoodda  iyo xawaaraha uu Dabku ku socday hadda ka hor.

Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu ugu baaqay Dadweynaha isugu yimi Suuqa inay iskaga baxaan, si Ciidammada Dab-demiska iyo Ciidammada kale ee Qaranka iyo Booyadaha Dadweynaha ee soo gurmaday ay ugu fududaato hawsha la tacaalidda Dabka.

Ciidanka Dab-demiska, ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa qayb ka ah dedaallada lagu deminayo dabka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay lacag dhan hal milyan oo doollar oo gurmad ah ay xukumaddiisu bixisay si ay gacan uga gaysato ka soo kabashada dhibatada dabku sababay.

Dhinaca Kale, Wefti ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee DDS ayaa xalay markiiba u soo gurmaday deminta dabkaasi ka kacay Suuqa WAAHEEN ee Badhtamaha Magaalada Hargeysa, Gadiidka dab-damiska iyo Masuuliyiin sare oo ka socda Dawkad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo ay hor kacayaan Mubashir Dubad   iyo Jamaal Fidar ayaa xalay niskii danbe u soo gurmaday deminta dabkaasi oo marka marka ka sii danbeysa fidayay. Waa Khasaarihii ugu weynaa ee soo waajaha Somaliland 30-kii sannadood ee ay jirtay oo hanti intaa leeg ay ku baaba’ado

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com