Wasaarada Biyaha Oo Soo Iibsatay Gaadiid Kala Duwan

Hargeysa (#Hayaannews)- Wasaarada Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo iibsatay gaadiid kala duwan oo ay tiradoodu dhantahay toban gaadhi oo iskugu jira Wiishash iyo Lanchureser.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay gaadiidkan oo uu sheegay in tiradoodu ay dhan tahay toban gaadhi oo kala duwan, isla markaana ay Wasaarada Horumarinta Biyaha ka shaqayso Ceelal tiro badan oo ku yaala Gobalada dalka.

Maxamed Xasan Dirir oo ka hadlayay Munaasibad shalay loo qabtay gaadiidkan ayaa waxa uu yidhi “Wasaarada Horumarinta Biyaha waxa ay la wareegaysaa Toban gaadhi oo kala duwan oo labo goor kala yimid, qaybtii labaad ayaanu halkan kula wareegnay, waxaana Gaadiidkani iskugu jiraa Wiishasha iyo gaadiidkii loogu talo galay in Gobalada lagu tago. Waxaana wasaaradu ka shaqaysaa Ceelal tiro badan oo ku dhaw 500 Ceel iyo 300 Ceel oo kuwii yaryaraaya iyo Baliyo tiro badan oo dalka oo dhan ku yaala”.

Sidoo kale Maxamed Xasan Dirir ayaa waxa uu sheegay in Gaadiidkan ay u dalbadeen si ay Wasaarada Biyaha u gudato Waajibaadkeeda ugana jawaabaan Baahiyaha dalka ka jira. waxaana uu yidhi “Gobalada dalka Isku duwayaal ayaa Wasaarada Biyaha u jooga Xarumana way ku leedahay, si joogta ah waxa u soo baxa cilado iyo Ceelal dayactir u baahda.”

Agaasimuhu waxa uu sheegay in wakhtiga Jiilaalka ay hawsha wasaaraddu korodho isla markaana loo baahdo dayactir badan oo lagu sameeyo ceelasha, waxaanu yidhi “Arrintaasi wakhtiyada Jiilaalka way ka sii hawl badan yihiin sababta oo ah isticmaal xooga ayaa ku dhaca Ceelasha. taasina waxa ay keentaa in Bamamku xumaadaan loona baahdo in si degdega looga jawaabo, waxna looga qabto.

Wasaarada Horumarinta Biyaha iyada oo doonaysa in ay gudato waajiibaadkeeda ayay gaadiidkan u dalbatay, Umadda Somaliland ayaa loogu shaqaynayaa, waxaana loo kala diri doonaa Gaadiidkan isku duwayaasha Wasaarada Biyaha ee Gobalada dalka si ay uga jawaabaan Baahiyaha bulshada”.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland