Wasaarada Maaliyadda oo Ganacsatada Siiyey Aqoon u Fududeynaysa Cashuur Bixinta

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriuyadda Somaliland Mudane. Muuse Ibraahim Yuusuf (Salaf) ayaa furay tabobar ganacsato gaadhaysa 50 qof, tababarkaasi oo lagu barayey hannaan u fududeeya cashuur-bixinta.

Tabobarka oo ku saabsanaa cashuurta Dakhliga Ganacsiga (Business Income Tax) ayaa daba socda kuwo hore loogu qabtay ganacsatada, isla markaana qeyb ka ah dedaalo Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu mudooyinkii u dambeeyey ku xoojinaysay kobcinta aqoonta bulshadu u leedahay cashuuraha kala duwan ee xeerku jideeyey.

Tabobarkan oo maalin ah waxa ganacsatada lagu siiyey aqoon korodhsi ku saabsan cashuurta dakhliga ganacsiga ama sida ay dadku u yaqaaniin (Macaashal-Macaashka Ganacsiga) iyadoo sidoo kale Wasaaraddu dhagaysatay talooyinkii ay u soo jeediyeen.

Sida uu qeexayo qodobka 69-aad ee xeerka dakhliga cashuuraha-berriga JSL, Cashuurta faaiidada ganacsiga waxa loola jeedaa: “dakhli kasta oo qof ama shirkad ka soo gala hawlgal ganacsi oo ah mid banaan”. Waxaana looga baahanyahay ganacsaduhu inuu sameeyo xisaab-xidh, cashuurtan oo ah sannadle.

“Sida uu jidaynayo xeerka dakhliga guduhu, waxa cashuur-bixiyaha laga rabaa inuu sameeyo is-qiimayn iyo inuu diyaarsado xisaab-xidh, halkaas waxa laga helayaa inta ay le’egtahay faaiidada kasoo gashay ganacsigiisa mudadaa sanadka ah, ka Wasaarad ahaana waxaa noo fududaanaysa inaanu qaadno cashuurta dhabta ah ee ku waajibatay” ayuu yidhi Wasiir-Xigeenka Maaliyadda Md Muuse Ibraahim.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com