Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Oo Khaatiyaan Ka joogta Jiir ku Dhex Bararay…

Hargeysa(Hayaannews):-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa waxa dhibaato xoogan ku haya jiir daaqada ka soo galay oo ku dhex naaxay, isla markana dhuunta u gala Wasiir kasta oo loo soo magacaabo wasaaradaas iyo Xidhiidka kubadda cagta ee Somaliland.

Jiirka afka dhuuban oo lagu magacaabo Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo ku magacaaban Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa sidoo kale wuxuu cudur ku noqday dakhligii wasaarada ka soo galayey ciyaaraha iyo bajadkii loogu talogalay adeega wasaaradda,taas oo muujinaysa in aanu ogolayn horumar iyo wanaag ay ku talaabsato wasaaradaasi.

Haddba, Si loogu gurmado wasaaradas masiibadu dhex joogto.waxaanu  ogeysiinayna Madaxweynaha Somaliland Mr.Muuse Biixi Cabdi in iirkaas ku hayo wayeelo iyo dhibaato joogto ah oo curyaamisay shaqooyinkii ka socday wasaaradaas, sidaadaraadeed, Madaxwynaha sharafta leh waxaan ka codsanaynaa inuu u gurmado Wasaaradaas oo meesha ka saaro Jiirkaas si aan  bakhteeriyadiisu ugu gudbin wasaaradaha kale.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland