“Weligaa Ha Ku Niyad Jebin Caqabadaha Iyo Turunturooyinka Ay Dadku Guushaada Hor Dhigaan” Wasiir Axmed Maxamed Diiriye (#TOORNO)

Wasiir Axmed Maxamed Diiriye (TOORNO)-Hayaannews

OHIO ISLAMIC CENTER
Masaajidkaa bilowgiisii oo aan anigu sabab u ahaa dad muslimiin ah oo Soomaali ah ayaa isku dayay inay naga hor istaagaan, iyagoo ujeedadoodu aanay ahayn masaajid hor is-taaga.

Bal hadda DHUGO talaabooyinka masaajidkaa loo soo maray.

TALAABADDII 1AAD: Aniga iyo 8 nin oo kale ayaa salaad jimce ku bilownay in lagu tukado dabaqa dhulka hoostiisa (Basement) ee xafiiska NGO la yidhaahdo Somali American Service in Ohio (SASO) oo aan ka furay meel 200m u jirta halka maanta masaajidkaasi ka dhisan yahay.

Wadaado Soomaali ah ayaa diidmo iyo buuq nagala hor yimi, iyagoo leh salaad jimce ma tukan karaan tiro ka yar 40 nin oo qaan gaadh ah (Waayahaye, ilaa lagu tukado salaad jimce, 40 nin oo Maraykan jooga la isla heli maayee, maxaa talo ah, bal adba).
Aniguna waxaan kula dooday “adeer haddii jimcahan aynu 9 ku tukano oo ilaa jimcaha dambe aynu waraaqo qaybino in jimcihii halkaa lagu tukaday “jimcaha dambe waxaa inoo imanaya 100 nin iyo ka badan”. Markaa kaalaya nala tukada. Wayse nagu gacmo saydheen, iyagoo waliba cadhaysan. Xafiiska anaggaa lahayne, waxaan filayaa inay xoog noogu diidi lahaayeen inaanu 9 ku tukano.

Colimaddii markay na diideen ayaan wadaad reer Burco ah ku idhi: Ilaahay niyadeena ayuu arkaa oo inagu cadaabi maayo salaad jimce oo aynu tukanaye, sheekh kaalay na tuki.
Ilaahay khayr ah siiyee wuu na tukiyay (Wadaadkaa na tukiyay ee huushaa keenay waxaa adeer u ahaa Sheekh Bashiie).

Goortaanu ilaa 3 bilood ku tukanaynay oo aanu boqolaal dhaafnay ayay annago salaadii jimce markaa ka baxnay noo yimaadeen Waaxda Dab Damisku.
Waxay igu yidhaahdeen: basement looma ogola inay hal mar wada galaan 3 qof ka badani, adiguna 300 qof baad ku tukunaysaa.

Markiiba warqad digniin ah ayay iga saxeexeen.

Tan iigu darani, waxay ahayd dadkii 300 kor u dhaafay ee jimcaha aanu wada tukanay waxay kala dareereen intii DAB DAMISKU ila hadlayay.
Hadaba, sidee loo gaadhsiinayaa in masaajidkii cimrigiisii halkaa ku dhamaaday.
TALAABADDII 2AAD: Markiiba waxaan u tegay xafiiska guryaha aanu ku jiray oo aan ka yarayn 2,000 guri.

Kuwaasoo uu lahaa nin asalkiisu Talyaani yahay oo aanu saaxiib ahayn.
Wuxuu noogu deeqay inaanu jimcaha ku tukano “garoon dadan” oo loogu talo galay kubadda koleyga (basket ball), oo ay Axadda ku tukadaan dad CHRISTIAN ah oo badiba ka soo jeeda Laatiin Ameerika.
Waanu maydhnay garoonkii oo qadiifado iyo sijaayado ku gogolay oo haweenkeenii khayrka qabay ay uunsi iyo foox noogu shideen (Ilaahay khayr ha siiyo haweenkeena dhamaantood).
Jimcihii xigayba waxaanu ku tukanay garoonkii dednaa. Balse waxaa hadana naga hor yimi wadaadadii markii horena naga horyimi oo leh: meel gaalo ku tukatay, jimce laguma tukan karo ee kala dareera.
Anaguna waxaanu kula doodnay “dadka Axada ku tukadda ayaa gaalo ah ee dhismuhu gaal maaha”.

TALAABADDII 3AAD: Markaanu 1,000 dhaafnay oo boqolaal quruumood isugu jira ayaanu kiraysanay mall kacay oo aanu ka dhignay masaajid lagu tukado 5 salaadoodba oo caruurtana qur’aanka loogu dhigo.

TALAABADDII 4AAD: Markii ay musiliintii 5,000 dhaafeen ayaa la isla gartay in dhul banaan aanu iibsano oo aanu masaajid ka dhisano.

Sidaas ayuu yimi masaajidkaa labadda dabaq ah oo dhismihiisu yahay 200 mitir oo laba jibaaran (Allow ma ogtahay).

WELIGAA CAQABADAHA HAKU NIYAD JEBIN EE GUUSHA HIGSO INTA SAANTAADU QOYAN TAHAY.

WAAYO, NEBIYADIIBA WAA LAGA HORYIMI.
GUUL IYO GOBANIMO.

Wasiir Axmed Maxamed Diiriye (TOORNO)-Hayaannews

Qalinkii Axmed Maxamed Diiriye (TOORNO) oo ah Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland