Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Abdirisaq Muuse Faarax Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamusay Dhamaan Kooxaha Kubadda Cagta Somaliland

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland,Md. Cabdirisaaq Muuse Faarax oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Md. Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa maanta Hadhimo Sharafeed u sameeyey dhamaan Kooxaha Kubadda Cagta Heerarka 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ee Caasimadda Hargeysa.

Xaflada hadhimo Sharafeedka oo si qurux baddan loo soo agaasimay ayaa waxa lagu qabtay Huteelka Baraar ee Magaalada Hargeysa.

Muddadii gaabnayd ee uu joogay Wasiirkan dhalinyarada ah Abdirisaq Muse Farax waxa Wasaaradda ka socda horumar la taaban karo, oo ay ka mid yhiin qabashada tartan ciyaareedo kala duwan kuwaas oo ku qabsoomay si nabadgelyo ah, isla markaana kor u qaaday niyadii iyo yididiiladii ay dhalinyaradu u haysay kulamada ciyaaraha.

Imikana waxa u qorsheysan Wasiirka dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Abdirisaq Muse Farax inuu hirgeliyo hawlo faro baddan oo lagu horumarinayo dhalinyarada Somaliland inta sannadkan 2024 ka hadhay.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland,Md. Cabdirisaaq Muuse Faarax

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somalland