Wasiirka Kharajiga Itoobiya Taye-Atske ayaa Cadeeyay Rabitaanka Shacabka Itoobiya Ee Ay Ku Doonayso inay Marin U Hesho Badda Cas Aanay Uga Waabanayn Awood Dibedeed

Wasiirka arrimaha Dibada Ethiopia Taye-Atske Selassie

“Taariikhda Itoobiya kuma jirto in wax naloo yeedhiyay aanu aqbalno…” Taye-Atske. Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya

Ethiopia(Hayaannews): Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya ee dhawaan la magacaabay Taye-Atske Selassie ayaa sheegay in rabitaanka sharciga ah ee Itoobbiya ee ay ku doonayso inay marin u hesho badda cas aanay uga waabanayn awood debedeed. Isagoo wasiirku la hadlaya warbaahinta gudaha, wuxuu intaa ku daray in ay tahay arrin ku xidhan amniga qaranka iyo deganaanshaha Ethiopia.

Wasiirka ayaa tilmamay in bulshada caalamku hadda si fiican uga war hayso rabitaanka Itoobbiya ee ay ku doonayso marin ay u hesho badda cas, kadib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay wadeen Lixdii bilood ee u danbeeyay, isla markaan rabitaankoodu yahay mid sharci ah.

Wasiirka ayaa sheegay in doonitaanka Itoobiya ee Marin-u-helidda baddu aanu ka soo horjeedin xaqiiqooyinka dhabta ah, taa awgeedna aanay dhibbane u noqon doonin culaysyada gudaha ee dalal kale.

Mr. Taye-Atske Selassie ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Itoobbiya diyaar ugu tahay in wada hadallo dheeraad ah ka gasho heshiiska is-fahan ee ay la gashay Somaliland iyo waliba dhaamka weyn ee GERD. Taariikhda Itoobiya kuma jirto in wax naloo yeedhiyay aanu aqballo, balse arrimaha qaarkood wada hadal ayaanu ka gali karnaa , iyada oo labada dhinacba faa’idayaan, ayuu hadalkiisa ku soo gabgabeeyay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Itoobiya.

Wasiirka arrimaha Dibada Ethiopia Taye-Atske Selassie

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland