Wasiirro ka Socda Somaliland oo ka Qaybgalaya Shirweyne Caalamiya oo Lagu Qabanayo Nairobi

Hargeysa(Hayaannews)- Wasiirro ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhay magaalada  Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay kaga qaybgalayaan Shirka caalamiga ah ee “Korodhka dadka iyo horumarka ee ICPD)”, kaasi oo la qabanayo  13ka ilaa 15ka Bisha November.

Wasiirradan shirka ka qaybgalaya ayaa kala ah Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta Eng. Xuseen Ibraahim Buuni.

Dawladda Somaliland ayaa doonaysa inay shirkan uga  faa’iideysato sidii ay wax uga qaban laheyd dhallinyarada JSL ee sii kordhaysa iyo sidii taabogelin lahaa tayada waxarashada iyo shaqooyinka, Sida uu baahiyey Wargeyska East African Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay shirkan caalamiga ah doonayaan inay wax ka korodhsadaan sida dalalka caalamku ay u maareeyeen  arrimaha waxbarashadda dhallinyarada, gaar ahaan  hablaha iyo shaqo abuurka.

“Haddii aanu nahay Somaliland waxaanu leenahay dhallinyaro aad u badan, kuwaasi oo doonaya inay galaan suuqa shaqada,”ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Kulan gogol xaadh u ah shirkan caalamiga ah oo Salaasadii lagu qabtay Nairobi waxa ka qaybgalay  Wasiirro, Xildhibaanno Baarlamaan iyo ururro kala duwan, kuwaasi oo ka mid noqon doona ergada ka qaybgali doonta  Shirka caalamiga ah ee ‘korodhka dadka iyo horumarka ee ICPD).’