Xamse Khayre Oo Ku Eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi Inay Ku Fashilantay Siyaasadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha

Hargeysa(Hayaannews): Xoghayaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Warshadaha Xisbiga WADDANI Xamse Khayre, ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi inay ku fashilantay Siyaasadda Ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Sidaa waxa uu Xamse Khayre ku sheegay qoraal uu caawa soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararaka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Heshiiska DPWorld & Somaliland galeen sanadkii 2016 qodobkiisa 12aad wuxuu ku sahabsanaa “Tacriifadda”. Qodobkani wuxuu awood buuxda u siinayay in shirkaddu iyadu ay leedahay go’aanka kordhinta ama hoos u dhigista Tacriifadda adeegyadda ay qabato. Wuxuu se qodobkani sii raaciyay shirkadu iney iyadoo iyadaa awood buuxda u leh dejinta iyo wax-ka-bedelka ay haddana xukuumadda Somaliland ka talo-geliso mar kasta oo ay wax-ka-bedel ku samaynayso tacriifadaha.

Haddaba korodhka ay DPWorld Berbera ku samaysaysay Tacriifadaha dhawaan ee keenay in hawlihii dekeddu ay istaagaan muddo 10 maalmood ah maaha mid kedis ah ee waa mid xukuumadda ay kala soo tashatay, xukuumadduna raali ka ahayd. Sidaa markay tahay, wasiirka Ganacsigu markuu leeyahay waxaanu dhexdhexaadinaynay Ganacsata & DpWorld Berbera, waxa aanu run ka sheegayn xaqiiqda ah inuu dhinac ahaa oo uu kula socday DpWorld Berbera korodhka tacriifadda. Waana sababta wada-hadalku ugu dhamaaday sidii ay Shirkadda iyo xukuumadda oo isku dhinac ay hore iskula soo garteen korodhkiina sidaa ku meel mar ku noqday.

Waxaa xusid mudan in arinta Tacriifadaha adeegyadda dekeddu qabato iyo go’aankeeda cidda awoodeeda u lihi ay ahayd meeshii uu ka bilaabmay Khilaafkii dalka DJibouti iyo shirkadda DPWorld iyadoo waayo-aragnimadaa aanay Somaliland ka faaiidaysan markay heshiiska la galaysay sanadkii 2016. Waliba Djibouti waxay lahayd saamiga badankiisa shirkadda ay wada samaysteen ee DCT, ama DOORAALE CONTAINER TERMINAL, kaas oo dhamaa 67% (Major shareholder) halka Somaliland ay ka tahay saami-yare,35%, (Minor Shareholder ) shirkadda DPWorld Berbera ee aynu wada leenahay DPWorld isla markaana aan la aqoon cid inagu metesha Boodhka shirkadda oo fadhiday miiska lagu gaadhayey goaanka kordhinta iyo xubnahaa si loo soo xulay toona.

Arimahaa iyo kuwo kale oo si waafi ah u iftiiminaya sida siyaasadda xukuumada Muuse Biixi ay masuulka uga tahay kor u kaca maceeshadda (sicir-bararka), curyaaminta dhaqaalaha dalka iyo sumcad dilka dhinaca maal-gashiga beri ayaan shir jaraaid idinkula wadaagi doonaa..

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com