Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yusuf “Cabdi Waraaba” Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

INAA LILAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa (Hayaannews) Alle ha-unaxariistee waxa goordhaweyd ku geeriyooday Cisbitaalka International Hargeysa Hospital ee magaalada Hargeysa Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe ) oo kamid ahaa mudanayaasha golaha Guurtida, balse mudooyinkii ugu dambeeyey u jiifay xaalad caafimaad darro oo la soo deristay, taasi oo uu hadda u geeriyooday .

Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe ) ayaa ahaa xildhibaanka ugu da’da weyn Xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland iyo guud ahaanba Somaliland, waxaanu door weyn kasoo qaatay nabadayntii dalka, kaasi oo ahaa astaan nabadeed oo lagu hirto

Dhanka kalene Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe ) ayaa lagu wadaa in lagu in maalinta Beri ah aas Qaran loogu sameeyo deegaanka Toon ee dulaadka magaalada Hargeysa haddii eebe qadaro.

INAA LILAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN