Xisbiga WADDANI Oo Dhoola-tuskii Ugu Balaadhna Ku Soo Afmeeray Ololaha Doorashooyinka Iyo Guddoomiye Cirro Oo Mawjado Taageerayaal Lagu Qaabilay.

Hargeysa-(Hayaannews)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta isu soo bixii ugu ballaadhnaa ku soo gebogabeeyey kaltanka ololaha doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada, kaas oo ka dhacay guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee ku kala nool Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ayaa dhoola-tus cajiiba ku muujiyay taageerada uu Xisbigu ku leeyahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maroodi-jeex, Awdal,Saaxil, Sanaag,Sool iyo Togdheer, waxaanay ku dhawaaqayeen dhawaaqayeen hal-kudhigyo ay ku taagerayaan cudduda Xisbigooda.

Waxa taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kula hadlay fagaareyaal ku kala yaala gobolada iyo degmooyinka dalka masuuliytiin iyo musharaxiinta u taagan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, iyagoo ka dalbaday inay codkooda siiyaan maalinta 31-ka May 2021.

Sidoo kale, Xisbiga WADDANI ayaa ololaha doorashadda golayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ku qabtay Magaalooyinka Saylac, Balli Gubadle, Sallaxley, Oodweyne, Caynaba, Ceel Afweyne Gabiley iyo badiba magaalooyinka dalka waxaana Taageerayaasha Xisbiga WADDANI la hadlay Murashixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo ka waramay qorshayaasha ay ku horumarinayaan magaalooyinka ay ku tartamayaan iyo sida ay wax uga bedelayaan gollaha wakiilladda.

Murashixiinta ayaa ka dalbaday dadweynaha Somaliland iyo Taageerayaashoodu inay Codkooda siiyaan 31 May oo ah Maalinta ay dhacayso doorashadda isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada iyagoo balanqaaday inay si daacadnimo iyo waddaninimo leh ugu adeegi doonaan dalkooda iyo dadkooda.

Guddoomiyaha Ku-meelgaadhka Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo uu wehelinayay Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar ayaa kala qeybgalay taageerayaasha Xisbiga ee degmada Axmed Dhagax, kuwaas oo cuddudooda taageero ku muujiyay barxada hore ee Hargeysa Istaadiyam ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahna Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa taageerayaasha Xisbiga ee Gobolka AWDAL kala qeybgalay ololaha doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka,

“Shacabka Degmada DILA iyo deegaannada nawaaxigeeda ah waxa ay maanta muujiyeen cudduddooda taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan una hayn jireen Xisbiga rejada Shacabka Somaliland ee WADDANI.

Maanta waxa aanu soo gebo-gabeynnay Ololihii doorashada isku sidkan ee Insha allahu inoo dhacaysa ISNIINTA soo socota”.Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan-CIRRO.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com