Xukuumadda Oo Amar Ku Soo Rogtay Warbaahinta Somaliland

Hargeysa(Hayaannews): Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa soo saartey wareegto ay ku mamnuucdey  baahinta Doodaha, Wareysiyada, iyo warbixnaha ka hor imanaya dhaqanka iyo anshaxa suuban ee diinta islaamka.

Wasiirkuxigeenka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Siciid Xasan Habbane ayaa warsaxaafadeed uu maanta ku soo saarey wareegtadaas waxa uu ku  wargeliyey dhamaan Warbaahinta ka hawl gasha Somaliland iney ka waantoobaan baahinta arrimahaas baalmarsan dhaqanka suuban ee Soomaalida, isaga oo sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii ku kacda anshax xumadaas.

“Joojinta baahinta Doodaha, Wareysiyada, War-bixinada ka horimanaya dhaqanka, Anshaxa suubaan iyo Diinta”

Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsan ayaa u dhignaa sidan