“Dib-U-habayntani (New Booliska)  Ma Aha mid Xidhiidh La Leh Xaquuqaha Dastuuriga Ah Ee ismaamulka Deegaanada”  War-saxaafadeed DDS

Xafiiska-Nabadgelyada-DDS-Hayaannews

Jigjiga(Hayaannews): Xafiiska Nabadgalyadda Dawlad Deegaanka Soomaalida oo  War-saxafadeed ka soo saaray dib habaynta Ciidamada gaarka ee lagu darayo Ciidanka Difaaca Federaalka Itoobiya.

War-murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Nabadgalyadda DDS.

Waxaa dhawaan dal ahaan la go’aamiyay in dib-u-habayn lagu sameeyo Booliska Gaarka ah ee Deegaanada si loo waafajiyo qaab-dhismeedyadda dastuuriga ah ee dalka. Hadaba tan iyo intii go’aankaasi soo baxay waxaa ka barbar bilaabmay brobagaandooyin ujeedooyin badan leh oo fasiraad qaldan ka bixinaya dib-u-habeeynta dal ahaan la isla qaatay.

Sidaa darteed waxaan u aragnay inay munaasab tahay in faahfaahin laga bixiyo qaabka la rabo in dib loogu habeeyo Booliska Gaarka ah ee deegaanada dalka ka jira.

  1. Dib- u-habeeyntani ma aha mid baabi’inaysa ama meesha ka saaraysa cududii jirtay balse waa mid wax ka badalaysa qaab-dhismeedkii jiray. Ciidamadda jira way sii jirayaan iyagoo wax is badal ah uuna ku imanayn mushaharkooda, tasaliidka ay haystaan ee kala duwan iyo waajibaadka sugidda amniga deegaanka.
  2. Dib-u-habeeyntani maaha mid deegaan kaliya gaar ku ah ee waa jaho guud oo dalka oo dhan laga dhaqan-gelinayo, isku sina u saamaynaya Deegaanada.
  3. Wixii la xidhiidha qaabka iyo goorta la dhaqan galinayo dib-u-habeeynta waa mid shacabka iyo hay’adaha ay quseeyso lala socodsiin doono, lagalana tashan doono.
  4. Dib-u-habeenytani maaha mid xidhiidh la leh xuquuqaha dastuuriga ah ee ismaamulka deegaanada maadaama marka dib loo habeeyana ay wali sii hoos tagayso deegaankii awal maamuli jiray.

Hadaba iyadoo xaqiiqadu sidaa tahay waxaa bilaabmay brobagaandooyin iyo marin habaabin qayb ahaan ay wadaan danleey siyaasiyiin ah oo ujeeddadoodu ayna ahayn mid xidhiidh la leh dareenka guud ee shacabka  ee ku wajahan arintan. Danleeydaasi waxay aad u riixayaan in buuq iyo fowdo ka dhalato arintan si ay markaas uga dhex raadsadaan fursado ay iskaga horkeenaan shacabka iyo dawladda ama dawladda deeganka iyo ta dhexe iyadoo qaarkood durba bilbeen inay u dhigaan in dareenka abuurmay uu yahay mid xidhiidh la leh dareeno kale oo ka jira deegaano buuq ka taagan yahay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com

Xafiiska-Nabadgelyada-DDS-Hayaannews