Xukuumadda Somaliland Oo Fariim Culus Fartay Shirkadaha Gaarka Loo Leeyahay.

𝐖𝐀𝐑𝐆𝐄𝐋𝐋𝐈𝐍- 𝐅𝐀𝐒𝐀𝐗𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐀𝐀𝐋𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐄𝐄 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐈𝐈𝐃𝐀𝐋 – 𝐅𝐈𝐓𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀!

Hargeysa(Hayaannews): Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska – JSL ayaa waxa ay soo saartay war-gellin ku saabsan in ay Shaqaallaha ka hawlgala goobaha shaqadda ee aan dawliga ahayni ay fasax ahaadaan 2 maalmood oo maalmaha ciidal-Fitriga ah & Jimcaha oo ku xiga sidii caadiga ahayd.

Sidoo kalena, ku waxa ay ku boorrisay loo-shaqeeyayaashu in ay xaqul-ciidka ay xaqa u leeyihiin siiyaan shaqaalahoodda, si waafaqsan Xeerka Shaqallaha Rayidka ah – 31/2020.