SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Cafis Madaxweyne Ku Siidaayey 548 Maxbuus.

Madaxweynaha-Somaliland-Muuse-Biixi-Cabdi-Hayaannews

Hargeysa(Hayaannews):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu munaasibada Ciidul Fidrida awgeed wareegto Madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Wareegtadan uu Madaxweyne Biixi soo saaray maanta oo nuqul ka mid ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews, ayaa waxay u dhignayd sidan:

Cafis Madaxweyne

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tix-galiyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/125/2024, kuna taariikhaysan 03/04/2024;

Markaan Arkay:  Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/159/2024, kuna taariikhaysan 02/04/2024;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidul fidrida awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 548 (shan Boqol iyo Sideed iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

Madaxweynaha-Somaliland-Muuse-Biixi-Cabdi-Hayaannews