Aabihii wiilkiisa u aaray ~ Qisada buugga ‘Why Gary, Why’

Bishii Feebarweri 1984 kii waxaa dalka Maraykanka ka dhacay qiso aad u xanuun badan, Macallin Kaarateega bari jiray saddex carruur ah oo walaalo ahaa, qoyskoodana uu xidhiidh fiican oo kalsooni ahi ka dhexeeyey, ayaa mid ka mid ah si khiyaamo ah u afduubay kaddibna tacaddi jinsi ah kula kacay.

Tababare Jeff Doucet ayaa maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu gurigooda magaalada Baton Rouge ka kaxeeyey Jody oo 12 sanno jir ah isaga oo ku andacooday in ay socod luga-baxsi ah soo samaynayaan. Maadaama oo uu marar hore sidaas sameeyey, arrintani wax dhibaato ah ulama ay muuqan qoyska. Waxa uu wiilkii ku qaaday bas u diyaarsanaa, meel dhexe marka ay marayaanna waxa uu timaha oo cawlaan ahaa u mariyey midab madow, halka uu isaguna gadhka isa xiiray. Sababta uu Doucet sidan u yeelayey waxa ay ahayd in aan hore loo aqoonsan haddiiba uu bilaysku raadiyo nin iyo wiil yar oo la socda. Waxaas oo dhami waxa ay dhacayaan wiilka oo aan dhibaato u arkayn falalka macallinkiisa.

Tababarihii waxa uu wiilka yar la tegey magaalada Anaheim oo uu qol ka kiraystay huteel kuwa dabaqadda hoose ee jaban ka mid ah, isaga oo wiilka yarna ku sheegay in uu dhalay. Cidi kama shakiyin oo wax dareen ah ayaan ka muuqan wiilka oo sida muuqata raalli ku ahaa la socoshada macallinkiisa. Ayaandarro xad gudub jinsi ayaa uu Doucet kula kacay wiilkii yaraa oo uu is ogolaysiiyey. Waxa se nasiibwanaag ahayd in Jody uu macallinkiisa ku qanciyey in uu talefanka huteelka kala hadlo aabihii iyo qoyska si uu u salaamo. Waxa uu talefankani baraarujiyey aabihii oo markiiba la hadlay bilayska, una sheegay talefanka laga soo wacay, bilayskuna waxa uu tegey huteelkii. Wiilka waxaa markiiba la soo saaray diyaarad, dhagarqabahana bilayska ayaa shaqadiisa ka bilowday oo maalmo kaddib u soo qaaday magaalada uu marka hore wiilka ka soo kaxaystay.

Gary Plauché, wiilka aabihii waxa uu ahaa 39 jir hore u ahaan jiray saddex Alifle ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka, laakiin markan falku dhacay ahaa saxafi sawirqaade ah. Maalintii dhagarqabaha la keenayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Baton Rouge ee gobalka Louisiana ayaa uu yimid isaga oo kabaha ku soo qarsaday baastoolad. Xilli ay indhaha kamaradaha warbaahintu ku soo jeedaan dhagarqabaha iyo sida oo kale aabaha murugaysan oo ay muuqaalladooda toos hawada uga baahinayeen, ayaa uu aabahani si kedis ah ula soo baxay baastooladii, madaxa ayaana uu ka toogtay eedaysane Doucet.

Waxaa goobtii laga qaaday Gary Plauché oo maxbuus ah iyo Jeff Doucet oo dhakhtarka lagu geeyey xaalad culus oo uu maalintii labaadba u geeriyooday.

Gaashaanle Mike Barnett oo ahaa saajinka maalintaas watay bilayska kaxaynayey eedaysanaha, saaxiib aadana ay ahaayeen Gary Plauche, ayaa marka hore u soo sheegay saacadda laga soo dejinayo garoonka diyaaradaha, laakiin muu filayn in uu dili doono.

Sidaas awgeed markii uu xabadda ku dhuftay ayaa uu qayliyey isaga oo leh, “Waayo, Gary, Waayo! maxaad sidaas u yeeshay!” Plauche ayaa isaguna ugu jawaabay, ‘Maxaad adigu ku samayn lahayd ruuxa wiilkaaga sidaas ku sameeya!”

Waxa dalka iyo meelo badna oo dunda ahba laga daawaday xabadda oo madaxa kaga dhacaysa Doucet, waxaana ka dhashay dareen dadweyne oo aad u xooggan, iyo doodo adag oo dhinaca sharciga iyo waxa garsoorku ka yeelayo ah. dad aabahan u qiirooday ayaa ururiyey qaadhaan gaadhay 100 kun oo doolar  (Waxa ay maanta u dhigmaysaa, $267,500), si qoysku uu ugu adeegsado kharashaadka dacwadda. Ugu dambayn Gary waxaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah iyo 300 saac oo shaqo Arrimaha bulshada ah.

Sannadkii 2014 kii ayaa uu Gary u dhintay dhiig maskaxda kaga furmay. Wiilkiisii la afduubay ee Jody Plauché ayaa 35 sano kaddib falkaas, isaga oo ka jawaabaya su’aashii uu Maalintii falku dhacay sarkaalka bilaysku weydiiyey aabihii, waxa uu  qoray buug uu isla su’aashii magac uga dhigay, “Why, Gary, Why’.

Waxa uu ka warramayaa sida ugu fiican ee ay tahay waalidku in uu ilmihiisa uga ilaaliyo falalkan oo kale, xeeladaha foosha xun ee dadka Carruurta afduuba ama kufsadaa ku sasabtaan, iyo weliba marmarsiinyaha ay waalidka u soo maraan.

Waxa uu ka digayaa in ilmaha si buuxda loogu aamino qof kale kale, xitaa haddii kalsooni lagu qabo, isaga oo sida oo kalana soo bandhigaya calaamado uu sheegay in waalidku ku garan karo in qofkani uu wiilkiisa dhibaato u geysan karo mustaqbalka.

Sida oo kale waxa uu waano iyo niyad dhis u samaynayaa dadka sidiisa oo kale duruufahaas soo maray ee ay kaga tageen raadka nafsiga ah.

Kamaal Marjaan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com