“Qabyaaladu Wada Xaraan iyo Xumaan Maaha…” Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela-Hayaannews

Qabyaaladu waa laba nooc. Waa mid xaaran tahay in laysku raaco ah iyo mid waajib ah tahay in lays bahaysto.

Inaadeerkaa ama qof kale oo aad ehel tihiin ama tol guud tihiin oo la dulminaayo in aad u hiilisaa waa waajib. Waliba waa waajib dhaaf. In aad dulmigaasi ku eegtaana waa dullinimo.

Sidoo kale dulmi guud oo adiga iyo ilmaadeeradaa ku jihaysan ama adiga iyo tolkaa ku jihaysan in aad isku garabsataan oo diidaan waa waajib. Waliba waa waajib dhaaf.In aad goroda laalaadisaana waa dullinimo.

Badi dulmiga noocaas ah ee ay tahay hab beelnimo iyo hab bulsho kala duwan ba in looga hor yimaadaana waa ka ay daaquud yada kursiga loo dhiibo ama xoog ku qabsadaa ay sameeyaan.

Dhinaca qabyaalada xaaraan ta ah waa in inaadeerkaa ama mid kale oo ehel tihiin ama tolka guud tihiin oo cid kale dulmaaya in aad teegeerto oo aad dulmigaasi ku garab istaagto.

Waajibkuna waa in aad qabato ama waa in aad xaqa la safato aad ka hiiliso oo aad u hiiliso kuwa la dulmaayo. kala tolba hadaad doontaan ahaadoo.

Si kooban haddaan idiin tusana xilligii dawladii Siyaad Barre ay sida xun  gacanteeda dulmigu u qooqanayd in beesha Isaaq ay dhinac wada marto oo ay dulmigaa iska kiciso waxa ay ahayd waajib diiniya.

Beesha Daarood ciddii ka mid ahayd ee Siyaad Barre oo dawladnimadii wax ku dulmaaya la safataana waxa ay qabyaaladeedaasi ahayd xaaraan maqdaca. Waana kii xaqu shaqeeyay ee dulmigii jabay.

Caawa iyo berina calankaad doonto hoos joogoo aduunyadu kamay tagin caynkaynu ku ogayn, oo  hadaad adeerkaa oo dawladnimada ku awood sheeganaaya oo awoodii dawladeed ee la wada lahaa ku tagri falaaya aad la safato adoo ku gabanaaya qaranka ayaan difaacayaa, ogoow waxaad tahay daalin kalkaal danbiga uu falaayana qayb wayn ayaad ku leedahay. Hadaad dhiig u daadisana kaba sii daran. Adiga iyo ka aad taageeraysaana maalin ay noqotoba waad jabi doontaan.

Hadaad inaadeerkaa ama qof kale oo la dulmaayo, yaanad kaba safane aad taageeri waydana waxa aad tahay dulli ka gaabiyay waajibkii saarnaa.

Aniguna shakhsiyan ishaas ayuun baan ku eegaa dhacdo kasta oo maanta somaliland ka dhacda. Waana iga mamnuuc adeerkay oo kursi ku fadhiya in aan dulmi ku taageero.

Sidoo kale nin aniga i dulminaaya ama deegaankayga dulminaaya ama cid kale oo Somaliland ah dulmaaya in aan ka gabado oo aan gorodda u laalaadiyaana waa mid aan dhici doonin.

Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela-Hayaannews

Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland