“Waa La Bahaloobay……Waxase La Yaab Leh Ka Badh Kalasii Hadhaya.”Suxufi Sidiiq-BURMAD

Sidiiq-Burmad-Hayaannews

Maanta oo cadceeddu aad u kululayd sidii maalmahanba, ayaan dhexda kasoo qaaday mid ka mid ah ragga dhismaha ka shaqeeya.

Intii aanu soo wada soconay ayaan waydiiyay “Ma dhismaha guryaha ayaad ka shaqaysaa”.

Isaga oo si kacsan u hadlaya ayuu iigu jawaabay

“Waar niyow, wax allaala wax aan ka shaqeeyo garan maayee, waddanka ma dhisme ayaa ka socda, sowtan wax waliba taagan yihiin”.

Isaga oo dhididkii bacadka iyo socodkii lugta awgii kasoo dareeray wajigiisa ku tirtiraya gacantiisa, hadalkiina sii wata ayuu yidhi: “Cid wax dhisanaysaaba ma jirto, dadkiiba isma jeeb dhaamaan oo meelmeesha yar ee maqsinno laga dhisayana nin kastaa ehelkiisa ayuu qortaa, subaxa aan meel ku kalahaba adiga shaqo laguuma hayo ayaan kala kulmaa”

Waxa aan hadana waydiiyay, “Maxay lacag qaataan maalintii kuuliga iyo wasdaadku?”

“Waar qof qofka garasho ama ehelnimo ku hela yawmka shaqada ayaa lasii dhiig miiranayaa, oo ka shaqada qoraya ayaa badh ka goosta”, ayuu yidhi.

“Oo intee in leeg ayuu markaa ninkaasi ka goosanayaa lacagta uu shaqaystay” ayaan waydiiyay.

Sidiiq-Burmad-Hayaannews

“Kuuligu caadiyan waxa uu qaataa 70 kun oo SLSH ah (wax ka yar siddeed dollar), balse intan helista shaqadiiba adkaatay, ragga formaanada ah ee shaqada noo haya ayaa qaar badani 70 kun ee kuuliga ka goostaan 20 kun, Wasdaadka oo qaata 170 kun SLSH (sagaal iyo toban doolar) waxa ay ka goostaan 40 kun.

Waa la bahaloobay.

70 kaa kun ee uu qaato ninkaa dhagaxa iyo sibidhka guraya subax illaa casargaabka, ragga qaar ayaa Ice Cream siista.

Waxase la yaab leh ka badh kalasii hadhaya.

Qore: Suxufi Sidiiq Burmad

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland