Xaalada SOOL Ma Xal Dhaqan Mise Xeelad Dawladeed!

Dhibaatada ka taagan Gobolka Sool waa mashaqo heer qaran ah, una baahan in loo xalliyo si heer qaran ah oo Dowladeeysan.

Aragtidayda uma baahna in loo daweeyo hab dhaqan oo madax-dhaqameedku hormood ka yihiin, maadaama dalku dawlad leeyahay. Dhibaatada Sool waxa ay u baahan tahay xal siyaasadeed oo dawladda JSL ka yimaada ee uma baahna odayaal beeleed, bacdamaa anay jirin beelo Diriray oo la heshiisinayo balse ay tahay wax la isku hayaa arrin Siyaasadeed oo u baahan Xal iyo Xeelad Dowladnimo.

#Murti #Soomaliyeed #Baa #Tidhaa.                      *Cudurka kaa Gala fardaha

*Hadii laga Gubo Dameer

*Dawada lama Gaarayoo

*Anoon weli kuu Garbaxin

*Gad dheer bay Saarantahay.

Muwaadin, Somaliland mudada ay jirtay waxa ay ku dhisnayd isku tanaasul iyo isku dhibrin, balse waxad moodaa 5-tan Sanadood ee ugu danbeeyay in ay innagu soo kordhaso siyaasad is maquunin iyo kala adkaansho ah oo aynaan dhaqan iyo caado u lahayn. Madaxwaynaha JSL waxan usoo jeedinayaa in uu sameeyo tanaasul kasta oo Dagaalka lagu joojin karo, si xaalada loogu soo dabaalo nabad iyo xasillooni.

Ugu danbayn; waxan soo jeedinayaa in dib loo furo heshiiskii dawladdii Axmed Siilaanyo la gashay Cali Khaliif, taasi oo aan u arko maslaxad iyo Dawo in ay u tahay wadajirka iyo wada-noolashaha umadda reer Somaliland.

Tixgallin.

Adam Daud Ahmed.

Adam-Daud-Ahmed-Hayaannews

Hargeysa, Somaliland