JIILASHU WAA SIDA JEESAS AAN ISKA WARQABIN: Qeybtii 2aad

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil kastaana isaga dhexdiisa ayaa isugu aqoon badan oo cid kale oo kasta ka fahmi og habdhaqankiisa, iyo dabeecadihiisa gaarka ah.

Qormadan waxa aynu ku eegi doonnaa dabeecadaha iyo Tilmaamaha jiil kasta ku badan ee ay tahay, in qof kasta oo la macaamilayaa uu fahmo. Sida ay Qoraa Jean M. Twenge ku sheegayso buugga ‘Generations’, sababta mararka qaarkood isfahmi waaga ka dhex abuurta qoysaska xubnahoodu kala faca yihiin, waa jiilasha ay ka kooban yihiin oo aan fahmin kala dabeecad duwanaantooda. Taasi waxa ay ina baraysaa muhiimadda ay leedahay in waalidka, macalinka, iyo hoggaamiyuhuba ay fahmaan jiilka ay la macaamilayaan, si aanu is fahmi waa uga dhex qarxin

Meelaha ay jiilasha hore iyo kuwan dambe aad ugu kala duwan yihiinna waxaa ka mid ah:

  1. Teknoolajiyadda oo muhiimad weyn u leh jiilba jiilka uu ka dambeeyo, halka laga yaabo in jiilba jiilka uu ka horreeyaa aanu sidaas u arkayn, ama uu liidayaba.
  2. Nolosha casriga ah oo fahamka iyo sawirka ay jiilba jiilka uu ka dambeeyo ka siinayo maararrowga, raaxada, quruxda iyo mudnaantu, uu ka duwan yahay jiilkii hore inta sawirka ay siisay.
  3. Xawaaraha nolosha casriga ahi wadato oo sidii hore ka dedejinaya muddada uu ilmaha jiilka dambe ahi maskax ahaan ku bislaanayo, isla markaana doonayo in ku madaxbannaanaado, laakiin jiilka hore aanu la fahmayn taas.

QAAR KA MID AH DABEECADAHA JIIL KASTA U GAARKA AH

====++====++====

  1. Jiilka Aamusane (Dhashay 1928-1945):

Dabeecadaha jiilkan waxaa ka mid ahaa, shaqo badnaan, lexe jacayl. Waxa ay jecelyihiin waxyaabaha rasmiga ah (Formal), xushmo badnaan, edeb badnaan, iyo in ay dareenkooda iyo caadifaddooda qarsadaan.

  1. Jiilka Taranta (Dhashay 1946-1964)

Niyadwanaaggaa ku badan. Helidda fikradaha quruxda badan ayaa ay caan ku yihiin, laakiin waa fikrado u badan khayaal oo rumayntoodu ay adagtahay. Waa dad jecel oo si gaar ah u qaddariya in xidhiidhkooda dadku uu noqdo kulanka tooska ah iyo war-isgaadhsiinta fool ka foolka ah, (Tusaale ahaan, aan talefan ahayn), waxa aanay caan ku yihiin shaqowanaag iyo anshax shaqo oo sarreeya.

Jiilka X (Dhashay 1965-1980)

Waa dad xariif ku ah xeeladaha nolosha lagaga dabaalan karo, waxa ay aad ugu fiican yihiin Maaraynta hawlahooda iyo in ay dhibaatada xalliyaan. Waa dad jecel in madaxbannaanida oo ku filan in ay isku tashadaaan. Waxa se ay caan ku yihiin, kalsooni darro iyo aaminaad la’aanta dadka madaxda ah ama awoodda iyo maamulka leh oo ay adagtahay in ay isku halleeyaan ama aaminaanba.

Dabeecadahooda waxaa ka mid ah, dabacsanaan aan iskallifaad iyo ka badbadinta aqoonin, jecel isu dheellitirka waajibaadka shaqo ee ay tahay in ay gutaan iyo waqtiga ay ka mudan tahay in ay siiyaan noloshooda shakhsiga ahi. Dad Istusnimada neceb oo Naftooda runta u sheega. Teknoolajiyadda isticmaalkeedana ku raalli ah, waxna ka fahamsan, in kasta oo aanay aad ugu maskax furnayn fahamkeeda.

FG:

Muuqaalka hoose waa sawirka buugga ‘Generations’ ee xogtan qayb ahaan aynnu ka soo qaadannay

Kamaal Marjaan

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland