FAADIMA AL-FIHRIYA: Gabadhii Aasaastay jaamacaddii Dunida Ugu Horreysay

Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNESCO iyo diiwaanka dhacdooyinka dunida ee ‘Guinness World Records’ waxa ay jaamacadda Al-Qarawiyiin u aqoonsanyihiin jaamacadda ugu da’da weyn dunida, iyo xarunta waxbarasho ee keliya ee si joogto ah u shaqaynaysay tan iyo markii la aasaasay.

Al-Qarawiyiin oo ku taalla magaalada Fes ee dalka Marooko, waxaa sannadkii 859 miilaadiga, dhismaheeda maalgelisay Faatima Muxamed Fihriya oo sannadkii 800 ku dhalatay Qayrawaan, Tuuniisiya.

Faatima iyo walaasheed Maryam oo asal ahaan ka soo jeedda Quraysh, waxa ay hanti badan ka dhaxleen aabahood Muxamed Bin Cabdallah Al-fihri oo ahaa caalim dhinaca diinta ah iyo ganacsade maal badan lahaa.

Labadaas hablood oo qudhoodu aqoon durugsan u lahaa culuumta diinta islaamka, ayaa uu dhalay. Labadoodubana waxa ay go’aansadeen in dhaxalkaas ay ka dhisaan laba masjid, Faatima oo sida oo kale ninkeeda ka dhaxashay maal badan, waxa ay dhistay Al-Qarawiyiin oo noqday xarun waxbarasho oo jaamacad ah, Maryanna waxa ay dhistay Masjidka Al-Andulus oo qudhiisa wax lagu baranayey. Labada masjid ba waxbarashadu lacag la’aan ayaa ay ahayd oo labada hablood ayaa kharashka sadaqo ahaan u bixiyey.

Faatima waxa ay go’aansatay in ay soon cibaado ah ku jirto inta uu dhismaha masaajidku dhammaanayo, waxa aanu qaatay muddo 18 sanno ah oo ay af xidhnayd. Waxa kale oo masaajidka ku lammaan dhismayaal ay ugu talagashay waxbarashada iyo culimada, kuwaas oo illaa hadda dhismahoodu uu qurux gaar ah dheeryahay dhismayaasha kale ee taariikhiga ah.

Sida uu diiwaanka Guinness World Records xusayo, Al-Qarawiyiin waxa uu si rasmi ah jaamacad isugu beddelay sannadkii 877 miilaadiga, sida oo kale waxa uu lahaa barxad weyn oo lagu qabto doodaha cilmiga ah, ardaydana looga jeediyo casharrada iyo khudbadaha cilmiga ah. Sida oo kale waxa ku yaalla, mid ka mid ah rugaha kutubta ee ugu kaydka badan dunida muslimka. Muddadii ay xaruntani dhisnaydna waxaa dhowr jeer lagu sameeyey dayactir iyo ballaadhin.

Jaamacaddani qarniyo ayaa ay ka horreysay jaamacadaha dunida ee ugu soo dhow, waxa aanay mar ahayd xarunta cilmiga ee dunida muslimka. Dadka wax ka bartay waxaa ka mid ah Culimo waawyen oo msulimiin ah, faylasuufiyiin, Dhakhaatiir, sharciyaqaanno, saynisyahanno, injineerro, iyo xeeldheerayaal magac ku lahaa culuumta kala duwan.

Waxaa ka mid ahaa Ibnu Khalduun, Ibnu Rushdi, Ibnu Baajah, iyo rag kale oo uu ku jiro baadarigii madaxda ka noqday xarunta Kaatoligga ee Vetican, Pope Sylvester II. Waxaa la aaminsanyahay in uu yahay in uu yahay caalimkii ugu horreeyey ee Yurub gaadhsiiyey culuumta xidigista iyo xisaabaadkad, gaar ahaan jajab tobanlaha.

Kamaal Marjaan

Hayaannews,Office

Hargeysa, Somaliland