Dawlada Ethiopia Oo Ku Dhawaaqday Inay Xaalad Degdega Ku Soo Rogtay Dalka, iyo Dawlada Mareykanka Oo Ka Hadashay.

Adis-ababa(#Hayaannews): Dawladda Itoobiya oo ku dhawaaqay inay xaalad deg deg ah ku soo rogtay Dalkaasi.

Golaha wasiirada ayaa maanta ansixiyay in xaallad degdega dalka lagu soo roggo.

Bayaankan xaallada degdega ah ayaa maanta dhaqan gallaya ,waxaana la filaaya in 48-da saac ee socota la hor geeyo Baarlamaanka dalka.

Xaalladan Deg dega ayaa ka dhigan in si guud sharciga loo laalay. Dhaqaalle,addeeg iyo gaadid-kasta waxaa mudnaanta la siinayaa dagaalka,oo waxkasta laga hormarin doono.

“Waddankaygu wuxuu wejahayaa xaalad khatar ku ah jiritaankiisa, madax-bannaanidii iyo midnimadiisa. Mana awoodno inaanu Khatartan kaga hortagno annagoo u marayna dhaqan-gelinta nidaamyada sharci ee jira,” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Cadaaladda Dowladda Federaalka Ethiopia Gedion Timothewos oo u warramay warbaahinta dowladda

Dhinaca kale, Afar ka mid ah dowlad-goboleedyada 10 Ismaamul ee Dalka Ethiopia ka kooban yahay, ayaa muwaadiniinta ugu baaqay inay la dagaalamaan xoogagga Tigray-ga, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee FANA.

Afhayeenka Jabhadda TPLF Getachew Reda oo khadka telefonka Satelite-ka kula hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in xoogagga Tigray la wareegeen magaalada Kombolcha iyo Madaarka diyaaradaha, taas oo ku taalla Koonfurta gobolka Amxaarada.

Jabhadda OLA oo xulafo la ah TPLF, aya sheegtay inay qabsadeen magaalada Kemis oo 53km dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada Kombolcha, waxaana labada magaalo mara jidka laamiga ah ee isku xidha Addis Ababa iyo Djibouti.

Colaadda dalka Itoobiya ayaa ku sii faafaysa deegaano hor leh iyadoo mucaaridka Tigray ay qabsadeen magaalooyin cusub, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya waqooyiga dalkaasi.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin colaadda sii cakirmeysa, waxayna ku baaqeen in xabad-joojin deg deg ah la gaaro.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com