Dowladda Soomaaliya Oo Ogolaatay In Qaadka Itoobiya La Keeni Karo Dalka Soomaaliya
October 17, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Hayaannews): Dowladda Soomaaliya ayaa ogolaatay in Qaadka dalka
Ethoipia uu si sharci ah ku soo gale karo dalka Soomaaliya, ayada oo wali dalka
Kenya ay saarantahay xayiraaddii lagu soo rogay. Sharikadda National Airways ee
uu fadhigeedu yahay dalka Itoobiya ayaa maanta ka soo dhigtay garoonka
Adan Cadde iyado oo wadda xamuul qaadka loo yaqaano HAREERI.
Waa markii ugu horeysay oo tan iyo markii u bilowday cudurka Covid19 ay
Soomaaliya ay kasoo dagto diyaarad Qaad sida, iyadoo horey garoomada Soomaaliya
looga mamnuucay in diyaarado Qaad sida aysan ka soo dagi Karin garoonada
Soomaliya.
Lama oga waxa xilligan kusoo beegay in dowladda Soomaaliya ay kala jeclaato
Qaadka labada dal ee deriska la ah, waxaase waayahaan sii xumaanayey xiriirka u
dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaa socdaal ku jooga dalka Kenya
R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo musharax u ah doorashada
madaxweyne.
Dhinaca kale, Qaadka laga dajiyay Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay Qaad horey si hoose loosoo galin jiray magaalada Muqdisho oo ka imaan jiray Kenya.