Golaha Wakiillada Somaliland Oo Bogaadiyay Shirguddoonka cusub Ee Dhiggooda Dalka Jabuuti

Hargeysa(Hayaannews): Golaha Wakiillada Somaliland oo hambalyo u diray shirguddoonka cusub ee dhiggooda dalka Jabuuti

Akhri hambalyo ah oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md Cali Xaamud Jibriil

Kadib markii Baarlamaanka cusub ee dalka jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa doraad guddoomiye u doortay Dileyta Maxamed Dileyta.

Guddoomiyaha cusub, ayaa xubin ka ah xisbiga ugu aqlabiyadda badan dalkaasi ee baarlamaanka Jabuuti, ee isku tagga Dadweynaha iyo Horumarka.

Golaha Shacabka Jabuuti, ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horeeyey ee Kal-fadhiga 1-aad ee golaha.

Guddoomiye Dileyta, ayaa wuxuu hore u noqday Ra’iisal wasaaraha Jabuuti, intii u dhaxaysay 7-dii bishii March, ee sanadkii 2001-kii, illaa iyo bishii March 31, ee sanaadkii 2013-kii.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com