Hargeysa: Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Oo Qaabilay Wefti ka Socda Hay’adda INTERPEACE.

Hargeysa(#Hayaannews): Wefti ka socda hay’adda Interpeace ayaa saaka ku soo booqday xafiiskii Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, ee Golaha, Mudane Siciid Mire Faarax “Giirre.

Wefdiga, oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda, Honde Kakoma, waxa ay cabbireen sida ay Sharaf iyo farxadba ugu tahay inay kulan-shareef ugu yimaaddaan Golaha wakiillada, iyo sida aanay u moogayn sooyaalka milgoon ee labada dhinaca ka dhaxeeya oo soo taxnaa muddo dheer.

Dhinaciisa, waxa Sii-hayaha xilka Guddoomiyaha, Mudane Siciid Mire Faarax, uu si diirran waftiga ugu soo dhoweeyey Golaha, waxa gudoomiyuhu uu dulmaray dedaallada Goluhu geliyey taabbagelinta doorashooyinka haddii ay tahay xeerdejin iyo haddii ay tahay tifaqyatirka arrimaha badan ee ku gedaaman soo-afjarka, tusaale ahaan, iyo dhammaystirka Xeerkii u dambeeyey ee golaha ka baxa Xeer Lr. 14 oo uu hadda gacanta ku hayo Madaxweynaha Qaranku.

Waxa uu uga mahadceliyey Weftiga kaalinta muuqata ee hay’adda Interpeace ka soo qaadatay geeddi-socodka doorashooyinka dalka, waxana uu rajeeyey in ay halkeedii iyo meel ka sii mugweynba ku yeelan doonto taakulaynta iyo badhitaarka taabbaqaadka dimuqraadiyadda dalka, gaar ahaan ka-midho-dhalinta doorashooyin turxaan la’.

“Waxaan Maanta Xafiiskayga Ku Qaabilay wafti ka socday hay’adda Interpeace oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Fulinta ee Hay’addaas Honde Kakoma oo ay wehelinayeen saraakiil Kale oo ka Tirsan Hay’adas.

waxan Ka Wadahalnay sooyaalka dheer ee ka dhaxeeyey labada dhinaca muddo dheer iyo Sidii Lays iskaga kaashan lahaa barnamujyada Labad Dhinac Ka Wada Shaqeeyaan.

intii kulan kayagu socday waxan isla garanay dedaallada iyo Geedi socodka doorashooyinka iyo dhamaystirka Xeerarka Golaha horyaal Sidii Layskaga Kaashan Lahaa, Waxan Kaloo isla Soo Qaadnay sidii  ahmiyad Weyn loo Siin Laha in haweenku ka Qayb qaatan Siyaasada iyo hoggaaminta.” Ayuu yidhi Sii-hayaha xilka Guddoomiyaha, Mudane Siciid Mire Faarax.

#Hayaannews, Office

Hargeysa,Somaliland