Ma Taqaan Cibaadada Dadka Xortaa?

Cibaadada Dadka Xorta-Hayaannews

Kalmadda dulman ee ‘Soon’, dad badan ayaa isku dayey in ay wax ka sheegaan cibaadadan oo ay qeexaan xikmadaha ku duugan, se aan helin sirta looga jeedo in la soomo.

Dadka qaar waxa ay aaminsan yihiin; naf maalqabeen ah ayaa la barayaa gaajadu waxa ay tahay, si uu u dareemo surmigay qabaan saboolku. Taas oo ay ka dhalan doonto in maalqabeennadu u tudhaan danyarta, xoolahoodana ay wax ka siiyaan.

Waxa ay sii raaciyaan intaas; saboolku kolka uu arko dadkii ladnaa oo la eedaadaya gaajo iyo oon in ay qanci doonaan kuna sabri doonaan xaallada ay ku sugan yihiin. Ma garanayo halka ay ka imanayso in ay qancaan! Ma wuxu ku farxayaa in uu arko gaajada haysa tujaartaa? Mise  saboolkaa u hanqal taagaya in uu la sinmo maalqabeenka? Kolka hadalladaas iyo kuwa la mid ahi dhegahaaga ku soo dhacaan soo is odhan maysid ujeedka laga leeyahay soonku waaba in la gaajoodoo?

Muddo aan dhawayn waxa leexsamay aragtidii Muslinka ee ku saabsanaa fahanka fasir ee cibaadooyinka Ilaahay u jideeyey, waxa aanay huwiyaan cibaadooyinkaas go’ aan Alle saarin, ilaa cadawgoodii uu soo dhexmaray naftoodii, dhexdoodiina uu dhigay colaado huraya oo mid kolka ay danto mid kale u daarmayso. Waa sababta Muslimiin badani ugu sii durkeen gefefkay ka galayaan diintooda, waa xaalka ay maanta ku sugan yihiin malaayiin Muslimiin ah.

Soonka waxa la inoogu waajibiyey in uu ina badbaadiyo, hase ahaatee Ilaahay ayeynu ilownay, Ilaahayna nafaheennii ayuu ina iloowsiiyey. Cibaadada soon ee ahayd in aynu yarayno cuntada si uu jidhkeennu u caafimaado oo aynu u quudinno masaakiinta, soonkana ku midayno quluubteenna ma aynaan yeellin, wax badanna kamaynu haleelin, inyar ayaa haleeshay ujeedka soon, intaasna macnaha soon wuxu ka tagaa kolka bishu dhammaato.

Haddii aynu si dhab ah u fahanno ujeedka soon ee agteenna ku dulman waxa aynu arki lahayn soon u dhexeeya Ilaahay addoonkiisa. Sabool iyo hantiile u wada soomaya dar Alle, una soomaya macno ka durugsan in calooshu madhnaato. U soomaya in ay ka xoroobaan wax kasta oo qofnimadooda dullaynaya in ay Alle isu dulleeyaan mooyee, ka xoroobaya cabsi in ay Alle ka cabsadaan mooyee, ka xoroobaya istusnimo in ay Alle cibaadada u hufaan mooyee, ogsoonaanaya in aanay jirin cid u dhaxaysaa iyaga iyo Allahood.

Bal ila dhuux macnaha soon; dhankaad ka istaagaba soonku waa xorayn. Addoonsiga ayuu kaa xoraynayaa; addoonsiga baahida jidhka, shahwadda, cuntada, cabbista. Ka cabsan maysid beri oo Alle ballantiisa ayaad aaminsanaanaysaa. Habrashada ayuu kaa xoraynayaa oo in Ilahaay noloshaada dammaanad qaaday ayaad rumaysnaanaysaa, xornimo dhab ah ayaad helaysaa kolka aad fahanto gundhigga soonka.

Nafta oo la xoreeyaa waa murtida ugu balaadhan ee soonku leeyahay. Soonku wuxu innagu hagayaa xorraynta dhabta ah. Soonka xoreeyaha ah mar waa la innagu waajibiyey marna ikhtiyaar baa la inoo siiyey in aynu la nimaadno. Sababtaasi fahmidda ujeedka balaadhan ee noloshan la inooga dan leeyahay, waa in Alle SWT, dhulkan khaliif inooga dhigay, si aynu xaqa ugu oogno, xaqna ugu xukunno. Nafta Allihii uumay taas u gartay marna uma bannaana in ay u addoomowdo addoon kale, u addoomowdo rabitaan iyo arrimo aad u hooseeya.

Arrimaha mudan istultaaggu waa isbarbardhigga Quraanku ku sameeyey soonka iyo xoraynta nafta. Saddex aayaadood Alle wuxu isku sidkay soon iyo xorayn. Bal ila arag suuradda Nisa’, “Qofkii kama’ ku dila qof waxa la saaray in uu xoreeyo naf mu’minad ah iyo in uu mag siiyo ehelkii qofka dhintay, haddii aannu karayna ha soomo laba bilood oo xidhiidh ah.”

Suuradda Mujaaddala ku jirta eeg, “Ragga dumarkooda ku yidhaahda waxa aad iga tahay sida dhabarka hooyaday oo kale, kana soo noqda hadalkoodaa waxa la faray in ay xoreeyaan naf inta aanay u galmoon dumarkooda. Qofkii aan karaynna ha soomo laba bilood oo xidhiidh ah.” Mar kale suuradda Baqara Alle SWT, wuxu ku yidhi, “Ka aan awoodin ha soomo saddex cisho.”

Cibaadada Dadka Xorta-Hayaannews

Bal u fiirso aayadahan; muxuu Alle u jideeyey qofkii saddexdaa dambi midkood la yimaadda in uu naf u xoreeyo, haddii uu kari waayana in uu nafta ka xoreeyo rabitaankeeda adduun? Haddaba soonku waa kacaani xoriyad doon ah, wuxu abuurayaa dhaqan xoriyad raadin ah, naf kasta oo xoriyad u baahan isagaa xoreeye u ah soonku.

Nafta Muslinka waxa xorreeyey soonka iyo cibaadooyinka Alle ku addoonsaday in ay la timaaddo. Muslinku in uu gaajoodo oo harraado oo u xanuunsado sidu xorriyad u hanan lahaa kolku diyaar u noqdo waa maalinta uu dulmiga ka baxayo quudhsi dambena aanu qaadan doonin. Maalinka Muslinku soonkooda u fahmaan in ay ka dhigtaan dugsigii xorayn lahaa waa maalinka Ilaahayna cadowgooda jabin doono, iyaguna sharaf iyo qaddarin dunida ugu dul noolaan doonaan.”

W/Q: Maxamuud Shaakir

W/T: Cabdirisaaq Rakuub

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland