Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Dhibaatada Kufsiga iyo Xalka Dawlada DAAWASHO WACAN
October 4, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa aafo Qaran oo muddooyinkii u
dambeeyey waddanka ku soo batay ku tilmaamay tacaddiyada loo geysto haweenka oo
Kufsigu ugu horreeyo, waxaanu sheegay inay xukuumad ahaan meel adag ka taagan
yihiin in sharciga la horgeeyo cid kasta oo dambi geysata.
Madaxeyne Biixi oo khudbad ka
jeediyey shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu maanta furay, waxa uu
sheegay inay xukuumad ahaan ku hawlan yihiin sharci gaar ah oo lagula
dagaallamayo dhibaatada Kufsiga, si qofka dambiilaha ah sharciga loo mariyo.