SOMALILAND: Madaxweyne Farmaajo Oo Ballan Qaaday In Dowladdiisu joojinayso Xadhiga saxaafadda
October 31, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Hayaannews):
Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu dhiirrigelinayo xorriyadda saxaafadda,
kadib markii uu kulan la qaatay suxufiyiinta aan xuduudda lahayn (RSF), oo
booqashadii ugu horreysay ee abid ku yimi Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee
RSF, Christophe Deloire ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu tilmaamay in dowladdiisu ay joojinayso suxufiyiinta loo
xidhayo arrimo ku saabsan shaqooyinkooda.
“Waxaan ka
codsaneynaa madaxweynaha iyo dhammaan dowladda cusub ee imaan doonta inay sii
wadaan dadaallada lagu horumarinayo suxufiyiinta laguna dhiirri-gelinayo soo
bixitaanka saxaafad xor ah, madax-bannaan, lehna tayo sare”. ayuu yidhi Christophe Deloire.
Wasiirka Warfaafinta dawlada Soomaaliya, Cismaan Dube oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa ku tilmaamay ballan qaadka madaxweynaha guul taariikhi ah oo gacan ka geysan doonto joojinta xadhigga lagu cabudhinayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed.