#SOMALILAND Oo Ku Fashilantay Fulinta Mashaariicda Baanka Aduunka

Somaliland ayaa ku fashilantay fulinta mashaariic door ah oo uu ugu deeqay Baanka Aduunku. Mashaariicdaasi oo wax wayn ka tari lahaa baahiyaadka aasaasiga ah sida: Caafimaadka, Waxbarashadda, Beeraha, Isgaadhsiinta, iyo Nidaaminta Hanaanka loo isticmaalo Khayraadka Dawladda.

Mashaariicdani oo ay ku bixi lahaayeen aduun lacageed oo kor u dhaafaya $190 milyan oo Dollar waxa ay u xaniban yihiin maamul xummo iyo muran ku saabsan dhinaca qaadashadda shaqaalaha fulinaya mashruuca, iyo waliba waafaqsanaan la’aanta hab-raacyada Baanka Aduunka. Madaxtooyadda Somaliland oo dhawr jeer soo dhex gashay soona agaasintay shirar wax lagaga qabanayo hawshaasi ayaan waxba ka tarin muranadda taagnaa ee sababay in mashaariicdaasi habsan gallaan.

Markii aanu u dhabogalnay halka ay sartu ka qudhunsan tahay, waxaanu ogaanay in Wasaaradaha ay hawshani hoos tagnaa si guracan oo gacan togaalayn iyo eexi ku jirto u qaateen shaqaalihii mashaariicda maamuli lahaa. Ka dib markii inay talaabooyinkaas foosha xun qaadaan uu ku khasbay ama culays ku saaray Xafiiska Xoghayaha Madaxtooyaddu. Xafiiskan ayaa wararku tibaaxeen inuu doonayo in la siiyo shakhsiyaad uu watto boosaska ugu tunka wayn leh sidda Xidhiidhiyaha Mashruuca iyo Iibka (Project Coordinator and Procurement positions), taas oo keentay in dadkii u tartamayay ay dacwaddo u gudbiyaan Baanka Aduunka.

Baanka Aduunka ayaa hanaanka loo qaato shaqaalaha doonaya in uu noqdo mid daah-furan oo lagu tartamo iyadoo loo marayo Habraacyda shaaqalaynta ee Baanka Aduunka, balse taasi waxa mar walba dhinac maray cidda Somaliland uga masuulka ah mashaariicda kor ku xusan. Sidoo kale waxa iyana si baal-marsan nidaamka loogu tallo-galay qaadashadda Shaqaalaha Mashaariicda u soo farogeliyay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda taas oo danno gaar ah ka lahayd in ay mashaariicdaasi u qaataan dad iyaga matalaya. Muranadda ma dhalayska ah ee habsanka ku keenay mashaariicdaasi markaanu si dhaw ugu kuurgalnay waxaanu ogaanay in ay salka ku hayaan siddii mashaariicaasi looga heli lahaa dheef leexsan, in daneeyayaashu isku fahmi laa’iyiin ciddii lagu qori lahaa si ay danahaa u fuliso.

Baanka Aduunka ayaa walaaca uu ka qabo in lacagta ku jirta mashaariicdani dib u noqoto isla markaana sahayato in Somaliland loo diido mashruuc danbe waxa uu la wadaagay Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire. Wasiirka Maaliyadda oo saxeexe ka ah mashaariicda Baanka Aduunku waxa uu ku guuldaraystay in uu xaliyo arrimaha muranku ka taagan yahay, waxaana ka mid ah mashaariicda xaniban ee muddo dhaafay Mashruucii hoos tagi jiray Maaliyadda.

Ficilladan gurracan ee musuq doonka ah ayaa waxaa ay Somaliland u muujiyeen ama ka dhigeen “Karis Xun iyana ku Wax la’” maadaama oo ay ku guul daraysatay in ay ka faa’iidaysato mashaariicdii loogu deeqay dalka. Gaar ahaana ay ahayd inay daboolaan baahiyaadka aasaasiga ah iyo dawlad-dhiska wax lagaga qabto, waxaanay tani keeni kartaa in laga saaro Somaliland liiska ka faa’iidaystayaasha mashaariicda Baanka Aduunka mudddada dhaw. Arrintani waxa ay imanaysaa iyadda oo marka horeba Soomaaliya Baanka Aduunka uga dacwootay mashaariicda sida gaarka ah loo siiyo Somaliland una gudbiyay cabasho ka dhan ah arrintaasi oo ay ku doodayaan inay wax u dhimayso madaxbanaanidda Soomaaliya. Waxaanad mooddaa Saraakiisha sifadda khaldan doonaya in loogu soo gacan galiyo mashaariicdani inay la shaqeynayaan kooxaha ka soo horjeedda Somaliland.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland