Laba Sababood Ayuun buu inta Badan Aduunka Dal Cusubi Ugu Soo Biiraa intan Dambe Qalinkii Mohamed Dhimbiil

Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)

1- Dal buuxiyey shuruucda iyo shuruudaha uu dhigayo qaanuunka caalamiga ah ee loo yaqaan( Montevideo  convention 1933 ) oo ah ,

  1. b) in uu dalkaasi yeesho dad degan .
  2. t) in uu dalkaasi leeyahay xuduudo qeexan .
  3. J) in uu maamul ka jiro shaqeynayaa.
  4. x) in uu dalkaasi leeyahay awooda uu heshiis kula gali karo dalalka kale.

2- Dad isu diyaariyey in ay dal noqdaan oo aduunkuna u arko in ay muhiim u yihiin danahooga ,danaha qaarada iyo danaha gobolka uu ka unkamayo dalkaasi.

Haddaba Jamhuuriyada Somaliland labadan arimood ee caalamku ku aqoonsado dalalka cusub ama kuwa kala baxaya labadaba way buuxisay , hase ahaatee waxay hadda u eeg tahay in qodobka dambe lagu aqoonsanayo jamhuuriyada Somaliland, sababahan awgood;

1- Geeska Africa oo 40 kii sanadood ee ugu dambeeyay aanay xaaladihiisu wanaagsanayn , xaga nabadgalyada , dhaqaalaha , binu-adenimada , iyo isu socodka oo saameyn taban ku yeeshay qaarada Africa, Asia, badweynta India , Badda cas iyo guud ahaan aduunka.

2- korodhka dadka Gobolka Geeska Africa iyo saameynta dhaqaale yaraanta , abaaraha , dagaalada iyo dagaalka lagula jiro argagixisada oo aan halka dalka jamhuuriyada Somaliland ku yaallaa in ay nabad ahaato looga maarmeyn.

3- Xaaladaha ka taagan Badda cas iyo Bab el mandeb oo iyaguna u baahan in dalalka badda gacanta cadmeed kulaalayaa noqdaan qaar xasiloon oo awood leh.

4- Rejo la’aanta aduunku ka muujinayo dawladii Somalia oo mar kale noqota dal ka dib markii 34 sanadood la waday isku dayo lagu samotabixanayo dalkii la odhan jirey jamhuuriyada Somalia qaybtiisii koonfureed oo ilaa hadda suurtagali la.

5- Hirdanka siyaasadeed, dhaqaale ee wadamada quwadaha aduunku ugu jiraan Africa oo Somaliland muhiim u tahay goob ahaan ( Geostrategic position ) gaar ahaan wadamada,  USA , CHINA , RUSSIA , UK , FRANCE , INDIA , SINGAPORE, JAPAN .

6- Midowga Africa oo ku daalay qadiyada soomaaliya una baahan in la fududeeyo hawlaha Gobolka Geeska Africa oo loo helo nabadgalyo , horumar iyo xasilooni waarta .

Markaa waxay u muuqataa in aduunkii u soo noqday jamhuuriyada Somaliland oo loo arko inay tahay dal laga muhiim u noqda dunida sidoo kale Somaliland lafteeda laga badbaadiyo dhibaatooyinka ka taagan mandaqada.

Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)

Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)

Hargeysa, Somaliland