SOMALILAND: Wasiirka Warfaafinta oo Kulan La Xidhiidha Wacyigelinta COVID19 La Yeeshay Warbaahinta Dalka

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay masuuliyiin ka socda dalka Ingiriiska

Hargeysa (#Hayaannews)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa shalay kulan kula yeeshay Xarunta Wasaaradda madaxda Ururrada Saxaafadda iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta, oo uu kala hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa wacyigelinta Xakameynta xannuunka COVID-19.

Waxa kale oo kulankaasi goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacigelinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii bulshada loogu baraarujin lahaa halista xannuunkaas oo uu tilmaamay inuu saameyn ku yeeshay Somaliland, islamarkaana dhimashada iyo waxyeeladiisa laga wada dareemay dalka oo dhan.

“Waxaa run ah in Qof kasta geeridu hortiisa timid, xaaladu aad ayay u adag tahay, waxayna u muuqataa in xannuunkani nolosheena taabtay” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).

Wasiirku wuxuu sheegay in ay wada-jir wacyigelinta uga wada shaqeyn doonaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Wasiirka wasaaradda warfaafita Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in loo baahan yahay in saxaafada Somaliland ay door-weyn ka ciyaarto la dagaalanka xannuunka Covid-19 iyo weynaynta xuska maalinta qaran ee 18-ka May, waxaanu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in Saxaafadeenu door weyn ka ciyaarto la dagaalanka xannuunka Covid-19 iyo weynaynta xuska 18 May. #Hayaannews

Waxaa loo baahan yahay in Warbaahinta gaarka ah iyo ta dawliga ahi ba ay xil iska saaraan Wacyigelinta xannuunka Covid-19”

Wasiir Saleebaan Yuusuf waxa uu u soo jeediyey Warbaahinta dalka inay joojiyaan wax ka sheega arrimaha ciidammada, waxaanu tilmaamay in ay mamnuuc tahay in warbaahintu wax ka sheegto arrimaha khaaska u ah ciidammada. #Hayaannews.net

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu sheegay in Warbaahinta Dawladdu ay si joogto ah u wado wacyigelinta xannuunka Coronavirus, waxaanu tilmaamay in warbaahinta gaarka loo leeyahayna ay kor u qaadaan kaalinta ay kaga jiraan wacyigelinta xunnuunkan oo ay si dhow ugala shaqeeyaan Xukuumadda Somaliland.

Agaasimaha Guud waxa uu intaas ku daray in shacbiga Somaliland looga baahan yahay inay si dhab ah u yaqiinsadaan xannuunkan oo uu tilmaamay in maalmihii ugu dambeeyey ay u jiifsadeen qaar ka mid ah dadka caanka ah ee reer Somaliland.

Dhinaca kale, agaasimaha waaxda wacyigelinta ee wasaaradda warfaafinta, Cabdicasiis Maxamed Cali (Maydhax) ayaa ka warramay ujeeddada kulankaas oo lagu falanqeynayey sidii la iskaga kaashan lahaa wacyigelinta Xannuunka Coronavirus iyo muuneynta Munaasibadda 30 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ee 18-ka May. #Hayaannews.net

Waxa kaloo halkaasi ka hadlay masuuliyiin ku hadlayey magaca ururrada Saxaafadda ee SOLJA, WIJA, FIMA iyo ururka Mareegaha Somaliland ee SOMA. kuwaasi oo soo dhaweeyey kulankaasi isla markaana sheegay inay diyaar u yihiin inay kaalin wax ku ool ah ka geystaan wacyigelinta xannuunkan adduunka aafeeyey ee Coronavirus.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay xafiiska dawladda Ingiriiska ee Somaliland. Kulankan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Agaasimaha Guud Maxamed Yuusuf Ismaciil, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Deeq Aw Cali Yuusuf iyo La-taliyaha Wasiirka Sucaad Daahir Maxamed, waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeyntii hay’addaha dawaladda iyo kuwa caalamiga ah ee la dagaalanka cudurka COVID-19.

Wasiir Koore ayaa tafaasiil ka siiyey masuuliyiintaas kaalinta Wasaaraddu ku leedahay wacyigelinta xannuunkan iyo kor u qaadista wacyiga guud ee bulshada Somaliland. Waxa kulankaas laba dhinacba ku balameen inay yeeshan shirar dambe oo lagu sii xoojinayo wada shaqeyntooda.

#Mustafe_Janaale(MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com