“Soomaaliya Way Guuleysaneysaa! Argagixisadana Waannu Ka Adkaan Doonnaa!” Farxaan Maxamed Jimcaale.

Farxaan Maxamed Jimcaale-Hayaannews

Ramadaan Mubaarak dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan. Tobankii labaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan ayaannu ku jirnaaye, Allaah (SWT) ayaa mahad oo dhan u sugnaatay, waxaana ka baryayaa inuu raxmaddiisa nagu gallado.

Toban maalmood kaddib qarixii fulaynimada ahaa ee argagaxisadu ka gaysatay Hotel SYL, waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee iisoo duceeyay, kuwii ila soo xiriiray iyo kuwii isoo booqday oo ay ugu horreeyaan madaxda Qaranka –Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre iyo dhammaan masuuliyiintii kale. Asxaab, ehel iyo qaraabana sidoo kale kun jeer ayaan idiin mahadcelinayaa.

Farxaan Maxamed Jimcaale-Hayaannews

ILAAHAY wuu ii gargaaray dhammaan dadkii qaraxa wax ku yeelloobayna intoo kale ayaan u rajaynayaa, caafimaad degdeg ah Inshaa Allah. Dadkii Soomaaliyeed ee ku nafwaayayna ilaahay Janatul Fardowsa ha ka waraabiyo. Soomaaliya way guuleysaneysaa! Argagixisadana waannu ka adkaan doonnaa! Idam Alle.” Ayuu yidhi Farxaan Maxamed Jimcaale.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland