Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Idaacad FM Ah Ka Hir-gelisay Caynaba

Caynaba (#Hayaannews)- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar gaadhsiisay Idaacada Radio Hargeysa gaar ahaan qaybta FM-ta
Bulshada ku dhaqan caasimada gobolka Saraar ee Caynaba ayaa soo dhaweeyey maqalka codka Jamhuuriyadda Somaliland ee idaacada Hargeysa, waxaanay xuseen in la helay xilli si wayn looga baahnaa qaybtan FM-ta.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in arrinta marka hore uga mahadcelinayaan ILLAAHAY oo qadaray marka xigta Wasiirka Warfaafinta waxana ay yidhaahdeen “aad ayaan uga mahacelinayaa wasiirka warfaafinta ee idaacada nasoo gaadhsiiyey , waxqabadkasta oo xukuumaddu waddana waanu soo dhawaynaynaa”
Bulshada Caynaba ayaa sheegay in aanu ku cusubayn waxqabad uu sameeyo wasiir Cali Maareexaan balse uu hore deegaanka uga hirgeliyey ceelal xilligii uu ahaa wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha waxana ay yidhaahdeen “saddex iyo soddon sanno waa markii ugu horaysay ee aan dhegaysano idaacada radio hargeysa , iskuma cusub wasiir cali mareexaan oo deegaanka marku biyaha ahaa ceelal badan ayuu ka hirgeliyey haddana waaka marku warfaafinta tegay nasoo gaadhsiiyey idaacada, Cali Mareexaan waa nin ku suntan waxqabada’
#Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland