Hargeysa(Hayaannews): Alle ha u naxariisto fannaankii weynaa Faysal Maxamed Cabdillaahi (Faysal-Tashi) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, kadib markii uu u muddooyinkii danbe ahaa Bukaan Jiif.
Alle ha u naxariiste Fanaan Faysal-Tashi waxa uu ahaa fanaan cod macaan oo heesihiisa aad loo jecel-yahay, isla markaana ahaa nin ixtiraam baddan oo dadka jecel oo dadku isku wada mid yihiin.
Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) iyo dhamaan hawl-wadeenada ka hawlgalaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan bahda fanka ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Fanaankii weynaa ee Faysal-TASHI oo maanta oo ay taariikhdu tahay 21/11/2020 ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Waxay si gaara u tacsiyadeynayaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Fanaan Faysal Tashi.
Marxuumku waxa uu ahaa nin wanaagsan oo dadka jecel oo dadku isugu mid yihiin oo kaftan baddan oo hibadu fanku ay ku jirto.
ILAAHAY Marxuumka ha u naxariisto dhammaanteena Samir iyo iimaan saadiqa ha inagga siiyo.
Aamiin………………….Aamiin…………………………………………Aamiin
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland