๐—ฅ๐˜‚๐˜‚๐˜…๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ซ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ซ๐—ผ๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ธ๐—ฎ.

๐—ฅ๐˜‚๐˜‚๐˜…๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ซ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ซ๐—ผ๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ธ๐—ฎ.

Cabdi Warsame Jaamac waxa uu muddo 9Sanno ah ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargaysa iyadda oo loo haysto Marxuum ku geeriyooday shil gaadhi oo uu wade (darawal) ka ahaa.

Qisada Cabdi ย Warsame Jaamac oo ah mid waayaheeda iyo wal-bahaarkeeda-ba leh wuxuu Alle faraj iyo muftaax uga dhigay Maxbuus kale oo ay xabsiga wehel ku noqdeen waana sababta aan u idhi “๐—ฅ๐˜‚๐˜‚๐˜…๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ซ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ซ๐—ผ๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ธ๐—ฎ”.

Qofka farajka u noqday Mr. Cabdi Warsame waa Gudoomiyaha ย Telefiishanka MMTV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo isaga laftiisuna ahaa maxbuus u xidhan xukuumadda Somaliland ayey aad u taabtay qisada Cabdi oo ah; inuu yahay maxbuus muddo dhaaf ah loona haysto mag 100 Geela ah, qiimaheeduna yahay $31000 taasi oo uu waayay tol iyo xigaal, cid ka bixisa sidaasi dartee uu u baahan yahay cid wax la qabata oo codkiisa gaadhsiisa bulshada si loo furdaamiyo, tii-buu Mr. Ilig u gaashaantay Alle-na ku asturay una hawlgalay sidii uu umadda muxsiniintaa ugu bandhigi lahaa.

Xaaladdu waxa ay ugu xanuun badnayd markii mar labaad la soo xidhay oo Xabsiga la dhigay Mr. Ilig oo gacanta ku hayay hawsha Cabdi, wuxu yidhi Cabdi markii laykeenay mataankaygii xabsiga waan war waray oo waxaan is idhi malaa xabaashan alle kuuma qorin in aad ka baxdo waayo qofka kaliya ee hawl iigu maqan iina hayay markaa $11000 markale waatan la soo xidhah isla jeerkaa haddana taydii waan ilaaway oo waxaan u ooyay Max’ed oo dulmane ah.

Cabdi intii uu xidhnaa waxa la soo gudboonaaday xaalado adag oo nololeed kana daran in uu waayo cid mag ka bixisa, xaaladaha ugu culusna waxa ka mid ah intii uu xidhnaa in ay geeriyootay xaaskiisii iyo Inan/gabadh uu dhalay in ay geeriyoodeen, afar cuura oo kalena ay ku dhaceen Hooyo la’aan iyo Aabo la’aan kuwaasi oo markii la xidhay qaarkood aanay qaan gaadh ahayn se imika ay qaan gaadheen.

Mr. Ilig wuxuu ku guulaystay ugu dambayn in Cabdi xoriyadiisii maanta helo, $4500 oo baaqi ahna tunka ku qaato muddo afar biloodna ku soo bixiyo iyada oo aanay jirin wax loo raacaayo gabi ahaanba eedaysanaha maanta xoriyadiisa helay.

Tuwaliba tukale kasii darane maxbuuskii sagaalka sanno wuxuu noo sheegay in intii uu xidhnaa isbedel weyni dhacay dadkii uu yaqaanay ay noqdeen wax dhintay iyo wax isbedalay, kuna adagtahay sidii uu laydha xoriyada ula qabsan lahaa, baahida ugu badan ee haysaana tahay in uu shaqo helo si uu ula midoobo afar caruura oo qoyskiisii ka hadhay walaashiina ku hayso xerada qaxoontiga ee Aw-Barre.

Ugu dambayn Alle Maxamed Cabdi Sheekh haka abaal mariyo wanaagaa uu sameeyay, sidoo kale dadkii wanaagsanaa ee xoolahooda ku deeqayna Alle wax khayr qaba hawgu badalo.

Fiiro gaara: Cabdi waa ninka Sawirkiisa aan calaamadiyay.

X- Nuuradiin Diini

๐—ฅ๐˜‚๐˜‚๐˜…๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ซ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ซ๐—ผ๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ธ๐—ฎ.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland