Madaxweyne Biixi Iyo Cabdiraxmaan-CIRRO Oo  Shacabka Reer Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Mujaahid Abiib Diiriye Nuur #Abiib_Timacad Oo Ku Dhintay Jarmalka

Madaxweyne Biixi Iyo Cabdiraxmaan-CIRRO Oo Shacabka Reer Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Mujaahid Abiib Diiriye Nuur #Abiib_Timacad Oo Ku Dhintay Jarmalka

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Hareysa(Hayaannews); Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Somaliland, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ku geeriyooday Dalka Jarmalka maanta oo ay taariikhdu tahay 07/04/2024.

Waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyey muwaadin muddo dheer u soo shaqeeyey Una soo halgamay dalkiisa iyo dadkiisa, xilal kala duwan oo wasiirnino iyo La-taliye madaxweyne-ba ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu Waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo.

Dhinaca Kale, Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ayaa waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Mujaahid Abiib Diiriye Nuur oo Geeriyooday. Waxaanu yidhi:

“Waa geeri xannuun badan runtii, waa se aynu ku samraynaa qaddar ALLE, waxaa hadda la ii xaqiijiyey geerida walaalkay iyo saaxiibkay Marxuum Wasiir hore Abiib Diiriye Nuur Wacays (timacad) oo xaqii ugu yimid dalka Jarmalka oo dhawaanahan xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayey.

Marxuumka laba bilood ka hor ayaan hoygiisa uu ka degannaa magaalada Hargeysa ku booqday, waxa aan ka marag kacayaa in uu ahaa addoon saalix ah oo wanaagsan, saaxiib dun xariira leh, Oday weyn oo ka shaqeeya maslaxadda guud ee umadda, Mujaahid dalkiisa u soo halgamay, Xukuumadihii ugu badnaa xilalka Wasiirnimo ka soo qabtay oo dalkiisa u soo shaqeeyey, iminkana ahaa siyaasi culus oo ka tirsan madaxda sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Geeridiisa, waxa aan uga tacsiyadeynayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, asxaabta, caruurtiisa, ilma Xaamud Jibriil oo uu abtigood ahaa iyo dhammaan shacabka reer Somaliland, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu ku hubsado Jannatul firdowsada sare, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo. Aamiin…..Aamiin”

Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe Abdi Maxamed (Mustafe-Janaale) iyo dhammaan hawlwadeena ka hawlgalaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Alle ha u naxariiste Mujaahid Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo maanta oo ay taariikhdu tahay 7.4.2024 ku geeriyooday dalka Jarmalka. Marxuumka ILAAHAY ha u naxariisto Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo guud ahaan shacanka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Madaxweyne Biixi Iyo Cabdiraxmaan-CIRRO Oo Shacabka Reer Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Mujaahid Abiib Diiriye Nuur #Abiib_Timacad Oo Ku Dhintay Jarmalka

Aamiin………………Aamiin……………………..Aamiin