Aqoonyahan iyo Siyaasi Reer Somaliland Oo Si Qoto Dheer Farta Ugu Fiiqay Jahwareerka Haysta Madaxweynaha Soomaaliya

Cabdiraxmaan Cadami-Hayaannews

MADAXWAYNE (XASAN SHEEKH) DAGAAL SHAN AAG KAAGA FURAN LAGUMA GUULAYSATO.

Madaxwaynaha Somaliya wuxuu iclaamiyay in uu shan aag mar kaliya ka wada dagaalamayo, kuwaas oo kale ah: Itoobiya,Somaliland, Shabaab, qaar ka mid ah maamul-goboleedyada iyo kooxdii Farmaajo oo ku soo gabanaya  wax ka bedelka Distoorka iyo cayayaankiisii baraha bulshada oo dib loo hawl galiyay balse waxa hubaal in uu ku jabi doono dagaalada baaxada leh xatta way adag tahay in uu mid ama laba ka mid ah ku guulaysto marka loo eego awoodiisa dhinac kastaba. Madaxwayne bal dhugo Sheeko gaaban oo hogo-tusaalayn ah:

Wakhtigii dadku xoolo dhaqatada u badna waxa dhaqan ahaan jiray in geela la kala dhici jiray. Hadaba Beel beelaha Somaliland ka mid ah ayaa geelal tiro badan ka soo qaaday beelihii afarta jihoba ka xigay.Goobtii geela lagu qaybsanayay waxa soo gaadhay oday caqli badan oo wwayo-arag ah oo isaga qudhidiisu beesha ka tirsan waxaanu kula taliyay in geelasha mid ka mid ah loo  celiyaan qoladii lahayd si jiho banaan u heli karaan haddii la soo weeraro,odaygu wuxuu iska garanayay in raggii geelashan laha ku soo maqan yihiin.

Aniguna sidaas oo kale Madaxwaynaha Somaliya waxaan kula talin laha in ka tanaasulo cadaawada iyo dagaalka ka dhan ka ah JSL si uu ugu yaraan hal aag oo nabad ah ama hiilba ka heli karo. Dhaqaalaha la ogyahay ee aad u qoondaysay  in aad Somaliland gudaheeda kaga dagaalantid waxa ka haboon in aad u weecisid la dagaalan argagixisada iyo kooxaha kale ee halista ku ah maamulkaaga. Madaxwayne adiga iyo wasiirkaaga Fiqi haddii aad ka waantoobi waydaan shiqoolada JSL u maleegaysaan iyo dhiiri galinta iyo falal xasilooni darro  laga abaabulo dalkayga,Somalilandna dhinaceeda waxay ka fiirsan doonta taageerada  xoogaga faraha badan ee aad dagaalka kula jirtid

.

Cabdiraxmaan Cadami-Hayaannews

  Cabdiraxman Cadami

  Email: Abdirahmanadami33@yahoo.com

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com