Ayaan Kaaba iyo jaceylkii Ay U Tahriibtay: ‘Sababta Aan Ninkeyga Ugu Tilmaamay Walaal, Soomaaliduna Waa Wada Sirdoon’

Mar kale waxaa internetka Soomaalida qabsaday hadal haynta Ayaan Axmed Caydiid oo loo garan ogyahay ‘Ayaan Kaaba’. Waa mid ka mid ah hablaha ugu caansan suugaanta Soomaalida ee xilligan, iyada oo marar hore oo badan tirisay maansooyin qabsaday baraha bulshada Soomaalida.

Waxay ka mid tahay boqolaal Soomaali ah oo ka booday derbiga dadka tahriibeyaasha ah ka galaan Mareykanka ee dhanka Mexico. Dadkaas oo safar dheer u galay inay gaaraan Mareykanka waxay isugu jiraan abwaano, fanaaniin iyo xitaa weriyeyaal, iyo dad kale oo ka yimid Afrika iyo Yurub, kuwaas oo ka rajo qaba inay nolol cusub ka bilaabaan dalka loogu yeedho ‘ dhulkii fursadaha’.

Odhaahda iyo maansooyinka gabadhan reer Hargeysa ahayd ayaa marar hore u qabsaday Internetka iyo baraha bulshada Soomaalida ka dib maansadii Wardo Xaashi.

Internetku wax ma hilmaamo, oo markan waxaa lagu haystaa ninka ay gaclootay oo ay la aqal gashay sabtidii, kaas oo muddo aan fogeyn ka hor ay ku tilmaamay ‘walaal’ kadib qoraal wehliyay sawir ay ku wada jireen iyada iyo seygeeda cusub oo Facebook la soo dhigay.

Hadal-haynta Sawirkan, iyo Wixii Ay Ka Tidhi Ayaan Kaaba

Markii uu soo baxay warka la xidhiidha xaflada arooska Ayaan Kaaba iyo seygeeda Cabdi Daysane toddobaadkii hore ayay dadka internetku adeegsida bilaabeen inay dib u baadhaan xidhiidhka horey uga dhexeeyay lammaanahan cusub.

Waxay soo heleen sawirka kore, oo ay labo bil kahor soo dhigtay Facebook Ayaan Kaaba, iyada oo raacisay qoraal u dhignaa “Walaalkaa oo kaa dheer markaad sawir la gashid. Xafladdii xalay waa la isku arkay.”

Si kaftan leh, marna dhab u eg, ayuu sawirkaas ugu faafay baraha bulshada, iyada oo ay dadka qaar la xidhiidhinayaan sheekooyin ka caan baxay baraha bulshada sida ‘Abti Xabiibi’, iyo ‘Walaalka maanta waa Xaajiga berri’.

Waxay weydiimo ka keeneyn sida ‘Walaalkii shalay odeyga reerka la unkay abwaanad Ayaan’.

Abwaan Ayaan Axmed Caydiid oo ka mid ah hablaha maansooyinka tiriya ee Soomaalida kuwa loogu jecel yahay ayaa BBC kala hadashay dareenkeeda la xidhiidha hadal haynta ka dhalatay sawirka hore iyo seygeeda.

Waxay ku tilmaamtay Soomaalida internetka “baadheyaal iyo sirdoon aysan cidna dirsan”. Waxa ay la yaabtay waqtiga ay geliyeen nolosheeda Facebook iyo sawirrada hore ee ay soo fageen.

“Bal kaalay sheeg goorta ay fageen Facebook-keyga, iyo waqtiga ay ku lumiyeen sawiradeyda,” ayay isweydiisay Ayaan Kaaba, oo uu la yaab ku noqday hadalheynta ka dhalatay sawirkaasi.

Waxay intaas raacisay in seygeeda cusub ee Cabdi haasaawe kala dhexeeyay muddo dheer isla markaana, walaalnimadu ay ahayd habka keliya ee bulshada dhexdeeda ay ku tilmaami kartay.

Waxay sheegtay inay ka yaro xishooneysay inay jaceylkeyga ama ninkeyga soo socda ka tiraa Facebook, iyaga oo aan weli si rasmi ah Lamaane u noqon.

Waxay ugu baaqday Soomaalida internetka inay xeeladooda wax-baadhista iyo sirdoonka ay u adeegsadaan howlaha iyo danaha qaran, halka ay waqti ku lumin lahaayeen arrimaheeda qoys ee gaarka ah.

“Waad ogtihiin dalkeenna waxaa ka jira wax badan oo dhanka amniga ah sida qaraxyada iyo amni darro kale oo badan. Marka arrimaha CID-nimada waxay ku fiican tahay in loo adeegsado arrimaha qaran ee amni darrada keena,” ayay tiri Ayaan Kaaba oo la hadashay BBC.

BBC Somali