Dabeecaha iyo Magacyada Loo Yaqaanno Jiilashii Dhashay 1901-kii ilaa 2024-ka

Da’da aadamuhu waxa ay isu raacsantahay fac oo ah inta isku xilli hanaqaada. Baadhisaha ay xeeldheereyaasha dabeecadaha aadamuhu sameeyeenna waxa ay muujinayaan, in fac kasta oo mar wada kacaa uu wadaago dabeecado iyo hab fikirro uu kaga duwanyahay kuwa ka horreeyey ama ka dambeeya.

Sida oo kale, Facu waa uu isaga faham dhowyahay kuwa kale, sida oo kale dhaqan ahaan iyo dabeecado ahaanna waa uu isa saameeyaa, si ka badan saamaynta uu faca ka weyn ama ka yari ku leeyahay.

Xeeldheereyaashu fac kasta waxa ay u bixiyeen magac u gaar ah oo ka turjumaya, duruufaha ay la noolaadeen ama hab fikirka iyo qaabka ay nolosha ku xeeran u arkayaan.

Waxa aynu dul istaagaynaa fac kasta magaca loo yaqaanno, muddadiisa iyo dabeecadaha laga arko qaarkood.

  1. Facii sharfanaa /Jiilkii dagaalka (The Greatest Generation) oo dhashay intii u dhexeysay 1901-1927, Waxa uu la noolaa dagaaladii koowaad iyo labaad ee adduunka. Waana da’dii ugu badnayd ee ka qaybgashay dagaalkii labaad, sidaas awgeed ayaa loogu bixiyey magacan oo loogu duurxulayo in ay ahaayeen halgamaayo. Xilligaas waxaa dunida ka dhacay duruufihii dhaqaale ee ugu waaweynaa taariikha inta la ogyahay, sidaas awgeed colaado iyo duruufo dhaqaale oo isu barkaday ayaa ka dhigay dad hal-adayg iyo nafhur badan.
  2. Jiilkii aamusnaa (The Silent Generation), 1928-1945: Jiilkan waxaa dhaqankooda iyo shakhsiaddoodaba saamayn taban ku yeeshay, isla dhaqaale xumadaas adduunka ka dhacday intii u dhexeysay 1929 ilaa 1939 ee aynu jiilka hore la soo xusnay. Laakiin nasiibwanaagooda waxa ay kaceen xilliyadii dagaalku dhammaaday, ee dalalka galbeedku ay isu diyaariyeen dhismaha dawladnimo iyo horumarka dhaqaale. Jiilkan waxaa lagu yaqaannaa waxqabad iyo anshax shaqo oo wanaagsan.
  3. Jiilkii Taranta (The Baby Boomer Generation), 1946-1964: Waqtigan waxaa dhacay horumar dhaqaale oo fiican, waxa aana si weyn barwaaqo iyo badhaadhe isugu beddeshay in badan oo ka mid ah noloshii dadka, taas oo sababtay isbeddel bulsho oo weyn. Waxaa kor u kacay niyadda, waxaana la arkay rejo wanaag badan iyo dhaqdhaqaaq bulsho. Isbeddelka nololeed ee dhacay waxa uu horseeday in tarantu aad u korodho, sidaas awgeed ayaa magacan loogu bixiyey carruurtii waqtigan dhalatay.
  4. Jiilka X (Generation X), 1965-1980: Waxa ay ahayd xilli ay dunida ka jireen culaysyo dhaqaale oo abuuray hubaanti la’aan dhinaca nolosha ah, sida oo kalana dunidu ay si intii hore ka badan isugu furantay, oo ay jireen isbedello dhinaca dhaqanka ahi.

Da’dii xilligaa dhalatay waxaa lagu bartay in ay yihiin dad dhiirran oo madaxbannaanida jecel, inta badanna uu qofku jecel yahay in uu isagu isku filnaado.

  1. Jiilka Y: Facan oo sida oo kale lagu naanayso facii kunka sano “Millennials” waa da’dii dhalatay 1981-1996. Waa jiilkii ugu horreeyey ee ku hanaqaaday dunida Teknoolajiyada, waxa ay caan ku yihiin garaad teknoolajiyadeed iyo wacyi bulsho oo aad u sarreeya.\
  2. Jiilka Z, 1997-2012: Da’dani heerka ay ka gaadheen fahamka Teknoolajiyadda awgeed, waxa ay xeeldheereyaashu ku naanaysaan Jiilkii dhaladka u ahaa Teknoolajiyadda. Waxa ay caan ku yihiin saamaynta warbaahinta bulshada iyo hab fikir iyo aragtiyo aad u horumarsan.
  3. Jiilka Alpha, 2010-2025: Waa jiilka ugu dambeeya, in kasta oo aan weli xog fiican iyo daraasadayn badan lagu samayn, inta la ogyahay waa jiilka ugu aqoonta sarreeya dhinaca teknoolajiyada, taariikhda la soo maray oo dhan.

Waxaa xusid mudan in jiilka ama facu uu uu ku bilowday 20 illaa 25 sanno inta u dhexeysa, laakiin xawaaraha sare ee noloshu ay ku socoto, iyo isbedellada yaabka leh teknoolajiyadda awgeed, marba marka ka dambaysa muddada jiilku waa ay yaraanaysaa, illaa ay hoos ugu soo dhacday 15 sano, xeeldheereyaasha qaarna ka sii yaraynayaan, ama saadaalinayaan in mustaqbalka uu hoos u sii dhaco.

Haddaba si aynu u fahanno dabeecadaha kala duwan ee jiilashan, waxa aynu in yar dul istaagi doonnaa sida ay u dhigtay Jean M. Twenge buuggeeda ‘Generations’.

FG:

Qaabka qaybinta jiilashani ku salaysantahay waa noloshii iyo waayihii dalalka reer Yurub.

LA SOCO…

Kamaal Marjaan

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland