Qabiil layskuma quudhsadee waa laysku haybiyaa… Ninbaa
laandheere sheegta, ninna awood ayoo sheegtaa, Intaba waxaa ka sareeya nin
caqligiisa iyo garaadkiisa tuujiya kuna xoog maala si u oga dhexmooqdu dhigiisa….!
Aan yara qayaxee u jeedkaygu waa meel fog nina loo sheegi karin laakin lagu
tusaalo qadan karo.
Hashii Maandeeq aan lahayen way irmaantahu caanihi bay
qubaysaa, weel daloolana way ku dhacayaan ee yaa u maciina haatana u dabiib
ah….! Markii aan damcay inaan dabiibki noqdo ayaan isxilqaamay, kolkaasay igu
dhaga adkaatay, kolkaasay iga dul talaabsatay…..!