Qaranimada Iyo Kaalinta Ay Ku Leedahay Midayta Bulshada Qeybtii 3aad

Qaranimada-iyo-kaalinta-ay-leedahay-Mideynta-Bulshada-Hayaannews

Dhukumantigii Madiina (Dastuurkii Madiina) waxa uu iftiiminayaa in dawladdu ay tahay hay’ad bulsho oo siyaasi ah. Waxa uu meesha ka saarayaa, in qarannimada xayndaabkeedu uu noqdo abtirsi, af, jinsi, diin, iwm.

Qodobka Labaad ayaa caddeeyey, in qaabdhismeedka bulsho ee dawladdu uu ku qotomo mabda’ ah in ay yihiin unug keliya oo aan qaybsami karin.

Kala duwanaanshiyaha qabiilka, kala soocidda cunsuriyadda iyo takoorka, kala sarraynta dabaqadaha nolosha, iyo wax kasta oo kale oo bulsho qaybin kara ayaa uu dhammaantood tirtiray, marka laga tago hannaanka iyo habraacyada ku dhisan shareecada islaamka, kuwaas oo ah iimaanka iyo camalada san.

Markii ugu horreysay taariikhda siyaasadeed ee Jasiiradda Carabta, ayaa uu saf keliya wada istaajiyey, Laandheerayaashii Quraysheed, Qoorweyntii Aws iyo Kasraj, nimankii reer bani Israa’iil ee dheeraadka isa siinjiray, iyo qabiilooyinkii kuwaas hore hadhkooda ku joogay magaalada, iyo xitaa addoontii u adeegi jirtay. Waxa ay dhammaantood noqdeen, raciyadda dawladda Islaamka oo iyaga oo sanam caabud, Yuhuudi iyo Muslima leh hal aqoonsi wada sita, ‘Qaran’.

Dastuurka Maddiina waxa uu bulshadii ka raray nooloshii ku dhisnayd keli noolaanshiyo iyo ku tiirsanaanta qabiilka, waxaana loo guuray qaran hal unug ah oo fikirkiisa iyo hankiisu yahay in uu dunida oo dhan beddelo.

Qodobkiisa labaad kagama uu hadhin midayntii bulshada, balse qodobbada 25 illaa 30, waxa uu ku sheegayaa in Yuhuudda heshiiskan ku jirta ee reer Madiina ay ka mid yihiin qaranka Muslimiinta. Waxa aanu ka fogaaday in uu bixiyo sawir dadka qaar u qaadan kari lahaayeen in ay yihiin, koox siyaasadeed iyadu ka soocan qaranka, siyaasad ahaan, ama waxa loo yaqaanno laba dawladood oo hal dawlad wada ah.

Waxaa halkaas ka abuurmaya in qarannimada dawladda siyaasiga ahi ay tahay mid ku midaysan siyaasad, qasabna aanay ahayn in ay caqiidada ama isirka ku midaysnaadaan.

AKHLAAQDA BULSHO

—-***—-***—–

Nebi Muxamed [ﷺ] waxa uu muddo gaaban ku hirgeliyey isbeddel horseeday, bulsho midaysan oo nolosheedu ay gebi ahaanteedba ka duwan tahay tii islaamka ka hor jirtay. Waxa uu burburiyo dhaqannadii xumaa iyo anhsax darradii, iyo loollannadii iyo colaadihii macnadarrada ahaa. sida qabyaaladda, khamriga, dhaca iyo boobka, khamaarka iwm.

Arrimaha anshaxwanaagga ah ee dastuurka Maddiina sida aadka ah muhiimadda u siiyey waxaa ka mid ah, midnimada iyo wadajirka bulshada, iyo xoojinta xidhiidhada u dhexeeya, isaga oo ka soo bilaabay unugyada ugu hooseeya ee bulsho ka soo unkanto. Tusaale ahaan xuquuqda jaarka oo ilaa heer iimaanka iyo ku dhaqanka diinta lagu daray ilaalinta xuquuqda jaarka. Qodobka 40 ee dastuurkan ayaa tilmaamay in laga fogaado dhibaataynta jaarka, iyada oo aan lagu kala saarin dhammaan qaybihii raciyadda dawladda Islaamku ka koobnayd ee aynu hore u soo xusnay kala duwanaanshiyahooda.

Isla qodobkaas iyo sida oo kale qodobka 47 waxa ay amreen in laga fogaado dhaqannadii xumaa ee qabyaaladda iyo nacaybku ay ka mid yhiin, waxa aanay ku baaqay iskaashi iyo wadajir bulsho oo ku qotoma shareecada islaamka. Walaalnimo bani’aadamnimo, kalgacal iyo naxariis, cadaalad bulsho, is xilqaan.

Halka qodobka 3 illaa 12 uu si gaar ah uga hadlayo isku xidhnaanta, wadajrka iyo iskaashiga muwaadiniinta dawlada Islaamka ee kala qabiilka iyo diinta duwanaa. Waxa uu Islaamku mamnuucay wax kasta oo caqabad ku noqonayaa ama dilaya akhlaaqdaas bulsho ee wadajirka iyo iskaashiga ku dhisan, taas oo ay ka mid tahay in qabiil loo kala safto.

Mara cadaaladda la eegana, dastuurka Madiina waxa uu caddeeyey in dadku ay u simanyihiin qaanuunka iyo sharciga; sabool iyo hodan, shariif iyo mid la liido, muslim iyo mid aan muslim ahayn  dhammaantood sharciga hoostiisa kuma kala fadilna. In kasta oo Muslimiinta dusha loo saaray culayska nafhurka iyo in ay u halgamaan jiritaanka iyo dhismaha dawladda Islaamka, haddana, cadaaladda muwaadiniinta dhexdooda marka ay timaaddo sarrayn iyo mudnaan gaar ah kama uu siinin muwaadiniinta kale ee aan muslimka ahayn, marka laga reebo halbeegyada shareecaa iyo iimaanka, Taasi waxa ay meesha ka saartay qaybsanaantii bulshada, takoorkii bulshada dhexdeeda dhaqan ahaan uga jiri jiray.

Qaranimada-iyo-kaalinta-ay-leedahay-Mideynta-Bulshada-Hayaannews

Kamaal Marjaan

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com