Rag Siyaasi Wada Noqay Abwaan Hadraawi

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame 'HADRAAWI'-Hayaannews
Maansada Abwaan Hadraawi ALLE ha u naxariistee wuxuu kaga hadlayaa sida la isugu murgay ee dhammaan yar iyo wayn rag iyo dumar culimo iyo codkar loo wada noqday siyaasi,iyadoo baylahda noloshu ka badan yahay doorka siyaasiga oo keliya balse loo baal maray dhamaan laamihii kale ee nolosha isla markaana siyaasi keliya loo wada yahay.
Bal ila dhugo MAANSADA RAG SIYAASI WADA NOQAY
Suugaan ka-hadalkiyo
Surraddiyo murtida culus
Hadallada saddexa maran
Halka laga sameeyaa
Marba lagu salaamaa.
Duniyahay sabool-diid
Siyayaabo-badanley
Majaray ku socotaa
Xumo lagaga saahido
Subax noolba waa guul’
Lagu helo sax iyo maan,
Qofka xiga samaantay
Agihiisa sudhan tahay,
Ma oggola suldaamayn
Iyo been ku-sabashada.
Hadba sara-kaceediyo
Sababaha ka dhacayaa
Nafta lagu sar gooyaa,
Labadeeda saan-qaad
Marba kii sokeeyaa
Runta lagula seexdaa,
Dadku sogordaheediyo
Siraheeda culus buu
U su’aalo-badan yahay,
Sariddiyo rog-rogiddiyo
Marba saab ka-bixintaa
Hanku ugu sid tiriyaa,
Sugiddaa leh maahmaah
Iyo sawrac gobannimo,
Hiyigaa leh saadaal
Iyo saami lagu qado
Marba sadadu waa meel,
Sabirkaa la-qaataa
Marna qaybtu waa sarar.
Inaan suuska digashada
Iyo saaqa lahashada
Nafta seylad loo geyn
Faral iyo Sunnaa dhigay,
Marka saacu gudhan yahay
Waxa seeto laga dhigay
Dadku inay ku soomaan
Xilka sebenku leeyahay
Iyo weedh-dha saalloon,
Sacab madhanba loo hay
Sadarrada hal-hayska ah.
Qof saluuga mooyee
Hadda Cadaygu waa soor’
Sirtu waa ka-dhigashada
Marka aan si kale jirin.
Senge orod la-daba galo
Saryankuu u neceb yahay,
Codka selelka bayrtiyo
Dadna boog sac-sacanoo
Sirqo ba’an ku noqotoo
Marba suuf ku dedayuu
Sawirkeeda neceb yahay.
Rag siyaasi wada-noqoy
Wada-furey sil-siladaha,
Hadba taanu suurayn
Yidhi anigu aan saxo
Sarrif-hadal ku daal daal,
Marwo dumar ku noqoy saxal
Subkey heeganteedii
Silicana ku keli yeel
Suxullada habaaska leh,
Sabadiyo rugtiisii
Sara-joog ku laallaad
Ama jiif ku siigee,
Ninna Sey ku noqon waa
Xil sariirta keligeed,
Adna Hooyo-Saxarlaay
Surin kugu bannaanaa.
Aqallada ximraa sudhan
Sigashay ku beridaa,
Dadku solanka maantii
Sahwi buu ku joogaa,
Saqda dhexe habeenkii
Sardhaduu ku lulan yahay,
Surmi bay ku huruddaa
Ama ciil la-kala socoy
Ama cadho la-kala soof.
Dhasha saxanku hayn waa
Surbacaadka raac raac
Lagu qaad far iyo suul,
Mar Salaadda jiidh jiidh
Marna umalka seeraar
Tu sawaaban yeel yeel
Dadku segeger mood mood
Sunbo loogu yeedh yeedh,
Dulucduna ka-samirkiyo
Nin wax saaray maahee
Sinji-hirashadiisiyo
Saamaynta wadartiyo
Xogta garashadaan solin,
Sumad baanay weli hayn
Cidna lagula saayiro.
Mar hadday sirgacan tahay
Dadku saan-gab wada yahay
Sannadaha ku kala-weyn
Lixdan iyo sagaalkood
Kuma kala sarreeyaan.
Kulammada sawaxanka leh
Suti muranka yaalliyo
Salowgooda baxayaa
Suruc buu dugsanayaa,
Derejaan la-kala sidan
Kala soocda laba ruux
Haki, iyo sug baan jirin.
Dhulka suur ku yeedh yeedh
Bulsho loo sanqadha-badi
Sac sac raaca loo diid
Sakaraad la-wada noqoy.
Dhaqan lagu sarriigtiyo
Berigii Soddohaleey
Saranseer ka daba yimi,
Dadku wada sal fududaa
Sannifaadda wada-barey
Iyo saarka tumashada,
Badey Seef-la-boodkii
Sunta qoosh la-kala dhaxal.
Sahan iyo baxnaaniyo
Noloshuba sansaan ma leh
Ma dhex yaal sureerkii.
Haddaan soohdin kale jirin
Waxaan suura-geli karin
Dadku inuu si-dalagtiyo
Afka suuq ku kala-baxo.
Rabbi sama-falkiisiyo
Seko weeye garashadu
Lagu saanto xigatada,
Satiyada aqoontiyo
Noloshana sal iyo baar
Waxa loogu siman yahay
Waa siraad ka-dhigashada
Hadba tii Ku-seegtoo
Waxa laysu siiyaa
Salka lagu fadhiistiyo
Yaanu seesku dheelliyin.
Hadday saan-cad dunidii
Adoo sayn cad kugu tahay
Saymaheedu meel buu
ILaa saaka kuu yiil.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ‘HADRAAWI’-Hayaannews
Haddaan sooryo waayeel
San-ku-neefle kuu hayn
Cid baan saaf la-dheegtiyo
Xadhig soohan Kaa hayn,
Haddii duul Ku-sahashado
Ama sebi xaq kugu luro
Sed ka maqan tirsanayaa
Soomal-haadka shidayaa
Waa saruurad haysee
Selel yaaney kugu ridin.
Xigasho. Weedhsan.com
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland