Wali Wax baan Arkaa!

Maantoo kale 2019_07_24 maalin arbaca ah anigoo caafimaad qaba ummaddeydana u shaqeynaya xili over Time ah ayaan hal sikin ku waayey labadii indhood, lugta bidix, gacanta bidix iyo gacanta midig oo dhaawac culus iga soo gaadhay sidoo kale waxaan ku waayey Guddoomiyehaygii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Eng Yariidow Agaasimeyaal iyo guddoomiyeyaal degmo oo aan jeclaa dhamaantood waxaan kala qeyb qaadanayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho tacsida uu sannadkii labaad u sameynaayo dadkii ku wax yeeloobay iyo ka war qabka uu ka war hayo agoontii ay tageen waxaanan ilaahay uga baryayaa jannatul fardowsa ka waraabiyo Qaranka iyo qoysaskii ay baxeenna Ilaahay bedel khayr qaba siiyo.
Mahad oo dhan Ilaahay baa iska leh.
Ka sakow waxaan u mahadnaqayaa Dawladda Federalka Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,reysal wasaarihii hore xassan Cali Khayre,reysal wasaare ku xigeenka, Khadar Maxamed GUULEED, Wasiirka dastuurka Saalax Axmed Jamac,Xildhibaan Sahra Cabdulqaadir iyo khadiija Maxamed diiriye oo noo fidiyey gargaar Caafimaad oo debedda ah xili ku munaasib ahayd.#Hayaannews.net
Waxaan kaloo u mahadnaqayaa Dawladda Qadar Shacabkeeda iyo Madaxdeeda oo uu ugu horeeyo Hogaamiyaha Shiikh Thamiim binu Xaamid binu Khaliifa A-Thaanii,Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Qadar, Jaaliyadda, Shacabka soomaaliyeed ee Dalka Qadar gaar ahaan Hablaha iyo Dhakhaatiirtii iyo kalkaaliyeyaashii la tacaalayey caafimaadkayaga.
Waxaan sigaar ah ugu mahadnaqayaa Caa’isha binu fahad al-marri markaan koomada ka soo baxay ilaa maalintaan Qadar ka soo dhoofay i garab taagneyd waxaanna leeyahay hooyaad noo noqotaye ilaahay dad ka Hooyo iyo Aabbe ha kaaga dhigo maxamed ilaahay Caafimaad ha kuu siiyo.
Waxaan kaloo u mahadnaqayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo igu soo bookhday Doxa intii aan bukaan jiifka ahaa markastana xaaladayda si dhaw ula socday ilaa maantana I garab taagan.
Waxaan kaloo u mahadnaqayaa reysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Dugulux oo si wanaagsan oo karaamiyo sharaf leh iigu qaabilay xafiiskiisa markaan dalka ku soo noqday.
Waxaan kaloo u Mahadnaqayaa Ehelkayga oo ay ugu horeyso Xaaskayga Farduz Maxamed Cabdillaahi, walaashay Sahra Cali Yaasiin, Walaashay Amaal xaaji Xasan Gabboose, Kayse Cali Gabboose iyo dhamaan ehelkayga meelkasta oo uu joogo intaan xusay iyo inta aanan Xusin ba.
#Fariin mudanayaal dhakhaatiirtu waxay igula taliyeen Ishaada haddii Germany iyo Maraykan lagu wax bax baad ku arkaysaa rajo Wacanna waad leedahay.Madaxweyne, Reysal wasaare, Guddoomiyaha Gobol, Reysal wasaare ku xigeenka, waxaan iyo golaha wasiiradda cid kasta oo wax ka qaban karta arrinkayga waxaan leeyahay wali iskama quusane yaan layga quusan oo mar labaad gurmad caafimaad ha lay Fidiyo.
Maxamed Maxamuud CabdiGabboose
Agaasimaha waaxda Hanti-dhawka Gobolka Banaadir

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com